W/Q: Sacad Maxamed
Xasan (Aareeye)
Tan
iyo markii ay la soo noqotay Somaliland madaxbannaanideeda sannadkii 1991kii,
waxa marajaya maamulka u hayay siyaasiyiin wax ku baratay jamhuuriyaddii
dimuqraadiga ahayd ee burburtay. Siyaasiyiintaa laguma najaxin hoggaankooda oo
waxa mar walba muuqatay inaanay u bislayn inay si dhab ah uga turjumaan
baayihaha dalka ka jiray iyo maarayntooda.
Madaxweynaha cusub ee
Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan soo magacaabay golihiisa
wasiiradda, ka dib markii xilka loo dhaariyay 13kii bishan diisambar.
Golaha wasiiraddu waa
qaar aad uga tiro yar kuwii ka horeeyey, inkasta oo la filayay tiro intan ka
yar, haddana waa 32 wasiiro iyo ku
xigeeno iskugu jira. Waa 23 wasaaraddood. Waxa liiska golaha ku jira wejiyo
badan oo aan siyaasadda hore loogu arag. Waxa ka mid ah wasiiro aad u miisaan
culus, kuwaas oo wax ku bartay Somaliland intii ay xorrnimadeeda la soo
noqotay. Haddaba waxa aynu maqaalkan si
kooban ugu eegi doonaa, maadaama ay wejiyo cusub yihiin wasiiradda in badan oo
ka mid ah oo dalka wax ku bartay, sida ay uga turjumayaan manhajka Somaliland.
Waxbarashadu waa laf-dhabarta bulshadda laga hago, oo manhajku wuxuu qaabeeyaa
ama diyaariyaa aqoonyahanka dalku u baahan yahay ee mustaqbalka door ka qaadan
doona dhanka siyaasadda iyo maamulka dawladnimadda, ganacsiga, tacliinta iyo
hor’umarinta arrimaha bulshadda.
Haddaba maadaama oo in
badan oo ka mid ah wasiiraddu ay dalka wax ku barteen, waa qaar si dhab ah uga
war haya baahiyaha dalka oo si toos ah ayay u taabatay, intii ay wax baranayeen,
shaqo raadiska ahaayeen ama dalka ku sugnaayeen oo xalkooda ayaa looga fadhiyaa.
Caqabado badan ayay ka
dhaxlaysaa xukuumadda cusub tii ka horaysay. Waxa ugu horeeya bulshaddii ay
kala qaybisay xannaftii ololaha in si degan oo caafimaad qabta loo daweeyo.
Waxa intaa xigga kuwa maamul oo ay ugu horayso in musuq-maasuqa wax laga qabto.
Madaxda maamulka haysa iyo bulshadduba aad ayay uga war hayaan in musuq-maasuq
hadheeyey dalka, gaar ahaan hay’addaha dawladda. Caqabahada u baahan inay
dawladdu wax ka qabato waxa ugu mudan la
dagaalanka musuq-maasuqa, kobcinta dhaqaalaha, shaqo-abuurka, in si dhaw oo
caafimaad qabta loo darso oo loo xalliyo arrimaha goboladda bariga, si gaar ah
2% misaaniyadda loogu daray hor’umarinta Sool iyo Sanaag iyo tan ugu mudan ee
wakhtigan u baahan in dib u qaabaynta iyo hagaajinta lagu sameeyo oo ah siyaasadda arrimaha dibadda oo wakhtiyaddii
ugu dambaysay mad-madaw badan ka muuqday iyo hoos u dhac ku yimid qaddiyadii
madaxbannaanida Somaliland, wakhti gobolka ay ka dhaceen isbedelo dhanka siyaasadda
ah.
Haddaan musuq-maasuqa
wax laga qaban oo aan la nadiifin hay’addaha dawladda, koboc dhaqaale lama
samayn karo. Xukuumadda talada wareejisay wax dayn ah kama tegin oo waa arrin
lagu farxo, waxaana la gudboon xukuumadda cusub si ay koboc dhaqaale u samayso,
waxa muhiim ah inay la dagaalanto musuq-maasuqa dalka sida baahsan uga jira.
Haddii musuq-maasuqu halkaa ka sii socdo, dawladda cusub ma samayn karto koboc
dhaqaale, haddaan koboc dhaqaale imanna, shaqo-abuur lama samayn karo,
adeegyadda dawladdu bixiso kor looma qaadi karo oo lama hagaajin karo, arrimaha
biyaha waxba lagama qaban karo, caafimaadka aynu ka dheregsannahay halku maanta
marayo, kor looma qaadi karo, xarumo caafimaad oo cusub lama samayn karo, kuwii
horena lama tayayn karo, beeraha iyo kalluumaysiga boodhka lagama jafi karo,
xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland lama hagaajin karo,
waxbarashadda oo hadda aad u liidata lama tayayn karo, waxna lagama qaban karo.
Bal tusaalahan kooban si fiican u dhugo. Somaliland oo dhererka baddeedu aad u
dheer yahay, khayraad kalluunku ugu horeeyaana ceegaago, kalluun ku filan
lagama helo maagaalooyinka xeebaha, gaar ahaan Berbera. Haddii la hor’umariyo
kalluumaysiga oo la maal-geliyo qalabka lagu kalluumaysto iyo aqoonta lagu
kalluumaystaba, dhaqaalaha dalkuna koboc ayuu samayn, shaqo-abuurna waa laga
samayn karaa, waxaanaynu ka baaqsan karnaa cunto badan oo aan tayo lahayn oo
aynu dibadda kasoo dhoofsano. Haddii la xisaabiyo maalintii inta kiiloo ee
kalluun ah ee ay u baahan tahay bulshadda
Somaliland, waxa si fiican looga hawl geli karaa sidii loo diyaarin lahaa
maal-gelinta, wacyi-gelinta iyo tayaynta kalluumaysiga. Dhanka beeraha, waxaynu
leenahay dhul beereed aad u hodan ah oo ku fiican wax beerashadda. Haddii la
maal-geliyo waxaynu la soo bixi karnaa cunto innagu filan oo aynu kaga maarmi
karno lacagta adag ee aynu dibadda kaga soo dhoofsano cuntadda aan tayada
lahayn ee bulshaddu xanuunnadda badan ka qaadeen.
Arrimahaa aynu kor ku
xusnay ee ay ugu mudan tahay koboca dhaqaaluhu lama samayn karo, haddaan
musuq-maasuqa lala dagaalamin. Haddii musuq-maasuqa lala dagaalamo, inta kale
ee aynu xusnayna waa la hirgelin karaa, laakiin la dagaalanka musuq-maasuqu
wuxuu u baahan yahay in la hawl geliyo oo aan la faro-gelin shaqadda iyo
madaxbannaanida hay’adda la dagaalanka musuq-maasuqa( Anti-Corruption
Commission) iyo hanti dhawraha guud ee qaranka, arrintaa waxa xoojin kara oo
iyana lagama maarmaan ah in garsoorka dalku madaxbannaan yahay oo aanay
xukuumaddu faro-gelin. Haddii intaa la isla helo, waxa marag-madoon ah in hor’umar
dhan walba leh la gaadhi doono oo muddo kooban is bedel laxaad leh la arki
doono.
Arrimahaa aynu kor ku
xusnay oo dhan waxay ku xidhnaan doonaan sida madaxweynaha cusub u hoggaamiyo
xukuumaddiisa iyo siyaasaddaha uu qaato iyo siday dhalinyartaa xilka loo
dhiibay ay u kaalmeeyaan madaxweynaha oo ay ula yimaadaan siyaasado wax-ku-ool
ah oo ay uga midho dhaliyaan hiigsiga qaranka ee ah hor’umar dal iyo dad ba
waxtar u leh.
Maqaalkeenu wuxuu
gun-dhig u yahay, haddii manhajka Somaliland ka turjumayo baahida dalka iyo
aqoonyahanka aynu rabno, dhalinyartaa dalka wax ku baratay ee xilalka loo
magacaabay ayaynu ka arki, haddii kale oo aanu weli ku sallaysnayn baahideenana
waxa aynu qiimayn doonaa oo eegi doona muddo xileedka xukuumaddu marka uu
dhamaado 5 sanno ka dib. Haddii dhalinyartaa talada dalka qaybta ku leh ay
badhaadhe iyo hor’umar keenaan, waa guul uu gaadhay manhajka Somaliland, haddii
ay guuldarraystaana shaqo culus ayaa inoo taal oo waa inaynu dib ugu noqonaa
manhajkeena oo aynu qaabayn iyo wax ka bedel ba ku samaynaa.
W/Q:
Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)
