Waa jaamici waddamada
aqoonta lagu majiirto wax ka soo bartay,waliba waxa uu haystaa shahaadda labaad
ee jaamacadda,waxaanu dib ugu ku soo noqday waddankiisii hooyo,halkaasi oo uu
ka bilaabay hawlo shaqo.
Maalin isaga oo waddada
maraya ayaa waxa joojiyay oday magaaladda u yimid arrimo caafimaad.Odaygii waxa
uu aqoonyahankii ka codsaday inuu u akhriyo warqad wiil uu dhalay oo dibbadda
joogaa usoo diray.
Warqadu waxay ay ku qoran
tahay Afsoomaali,waxaanay
kawaramaysaa dawooyin wiilku aabihii u soo diray iyo sida loo isticmaalayo
dawooyinkaasi.
Aqoonyahankii waxa uu
odaygii ku yidhi ”adeer warqadu Somali ayay ku qoran tahay,anna ma akhriyo
Somaliga,markaa waad iga raali ahaanaysaa”.Odaygii isaga oo yaaban ayuu ku
yidhi’’adeer ma sidayda ayaanad iskuul galin, mutacalin ayaaban ku
moodayee?Wiilkii waxa uu yidhi adeer aqoonta shahaadadda labaad ee jaamacadda
ayaan haystaa,laakiin Somaliga ma qoro,mana akhriyo,muhiim na maaha inaan
bartaa.Mana doonayo.Cajaba Rabbi!
Odaygii oo yaaban ayaa iska
lugeeyey,waxa uu haddana u tagay oday ay jaar yihiin,waxaanu ku yidhi horta
wiilkaaga sow jaamacadda ma dhigto? Odaygii ayaa ku yidhi mayee wuu
dhameeyey,waanu shaqeeyaa hadda,alle mahad ha ka gaadhee.Odaygii socotada ahaa
ayaa yidhi haddaa u yeedh warqadan ha ii akhriyee.Wiilkii loo yeedh,warqadiina
loo dhiib.Inta uu sidaa u eegay ayuu yidhi”Waa
Afsoomaali” isaga oo u sii raaciyay erayo odaygii socotada ahaa aanu
fahmin.Odaygii socotada ahaa ayaa yidhi”Afsomaligaa ayaan rabaa inaad ii
akhrido adeer.Wiilkii ayaa yidhi “ma akhriyo,mana qoro Afsomaliga adeer”.
Odaygii socotada ahaa waxa
uu isweydiiyay haddii aanu mutacalinku dadkiisa waxba u qori Karin,una akhriyi
Karin aqoonta uu sheeganayaa micnaha ay leedahay iyo waxa uu bulshadiisa u
qaban karo.Waxa uu isweydiiyay wiilkiisa geela raaca iyo wiilkan jaamiciga
sheeganayaa waxa ay ku kala duwan yihiin.
Waxa uu isku qanciyay inay
dharka quruxda badan ee mutacalinku xidhan yahay is dheer yihiin iyo inay laba
degaan oo kala duwan ku kala nool
yihiin.
W/Q: Sacad Maxamed Xasan( Aareeye)
No comments:
Post a Comment