Saturday, January 10, 2015

DOOB IYO GASHAANTI DAHAB KU TARTAMAY


Waa dood wadaag dhexmartay doob iyo gashaanti.Waxaan qoray 29kii Diisambar, sannadkii 2012kii.Waxa ay ka hadlaysaa Doob iyo Gashaanti meel fagaare ah inta loo goleeyey aan waxba iskula hadhin iyaga oo taageero sacab iyo sawaxanba leh ka helaya dhinacyada ay kala matalayaan.Tartanku waa dood aan deel-qaaf lahayn.Cidna laguma duudsiinayo!
Doodu waa qaab suugaaneed aniga oo ku ladhay dhextaal,si aan idiinka badhxo
Gashaantida ayaa dooda ku hormartay waxaanay tidhi:



Goobaha dagaalkee
Dhiiggu uu ku daatee
Daran-doori warankiyo
Hubku uga dannanee
Ka dayaanto qayladu
Doqonkii ka cararee
Dumarkaba ka liitay
Dhaaawaca dawaynayay
Miyuu gaari dumaroo
Deeqsinimo ku caanoo
Dabacsanida hadalkiyo
Daryeelkeeda wacanee
Marna aanad diidayn
Duqay inay u doontoo
Doolar ay ka bixisoo
Dadab loogu hooyo
Dibnihiisa soo marinoo
Damac uu ka galayaa?
LA SOCO JAWAABTII DOOBKA
W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)

No comments:

Post a Comment