Saturday, May 21, 2016

Sooyaalka WhatsApp-ka W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)

Sooyaal kooban:
WhatsApp Messenger waa barnaamij fariimaha la iskugu diro tilifoonadda loo yaqaan Caaqilka ”Smartphones”. Waxa uu ku shaqeeyaa internet-ka waxaanay  macaamiishu iskugu diraan  fariimo qoraal ah, dhokumenti, sawiro,muuqaalo iyo fariimo cod ah, macaamiil kale oo isticmaalaya  lambarka moobilka macmiilka ee loo yaqaan Cellular Mobile.
Bishii feebarweri ee sannadkan 2016ka,WhatsApp macaamiishiisu waxay gaadheen 1 bilyan, (One Billion) waxaanu WhatsApp-ku noqday mid ka mid ah kuwa ugu caansaan barnaamijyadda fariimaha la iskugu diro.
Xarunta guud ee WhatsApp-ka
Xarunta WhatsApp-ku  waaa magaaladda Mountain View, gobolka Kaalifoorniya ee waddanka Maraykanka. Facebook-ga ayaa iibsaday WhatsApp-ka 19kii bishii feebarweri,sannadkii 2014kii lacag lagu qiyaasay 19.3 bilyan oo doolar.
Sooyaalka Aasaaskii WhatsApp-ka
WhatsApp-ka waxa aasaasay Brain Acton iyo Jan Koum  oo shaqaale hore uga ahaan jiray  shirkadda Yahoo, sannadkii 2009kii. Brain iyo Jan waxay ka tageen Yahoo bishii Sebtambar ee sannadkii 2007dii,waxaanay u safreen koonfurta Ameerika si ay ugu soo nastaan.
Brain iyo Jan waxay shaqo u doonteen Facebook-ga, laakiin lama shaqaalaysiin midkoodna.
Sannadihii kuwaa xigay Jay Koum waxa uu isku haleeyey 400,000 doolar oo uu dhigtay intii uu u shaqaynayay Yahoo.
Bishii Jeenaweri sannadkii 2009kii ayuu Jay Koum soo iibsaday tilifoon iPhone ah waxaanu xaqiiqsaday in barnaamijkii uu nashqadeeyey oo markaa 7 bilood jiray uu hirgelayo.
Waxa uu bilaabay inuu booqdo saaxiibkii Alex Fishman oo deganaa West San Jone,halkaa oo ay saddexdooduba; waa Acton, Jay iyo Alex eh ay kaga wada hadli karaan barnaamijkan,laakiin arrintan suurgal may ahayn haddii aan la helin ingineer ku takhasusaay iPhone,sidaa daraadeed Fishman waxa uu is baray Jay Koum iyo Igor Solomennikov oo ahaa ingineer ruusha ah oo aasaasay degelka RentACoder.com. Jay Koum ayaa magaca WhatsApp xushay markiiba,waayo waxa uu u muuqday what’s up. Todobaad ka dib oo ahayd dhalashadii Koum kuna beegnayd 24kii feebarweri,sannadkii 2009kii waxa uu si rasmi ah u sameeyey WhatsApp Inc magaaladda Kaalifoorniya. Intii uu socod baradka ahaa WhatsApp dhawr jeer ayuu burburay,ama istaagay, waxaana xiisa badan leh in Koum uu isdhiibi gaadhay oo waxa uu doon-doontay shaqo cusub,waxaase dhiirigeliyay Acton oo ku yidhi dhawr bilood ka war sug bal.
Noocii u horeeyey ee WhatsApp-ka
WhatsApp 2.0 nooca loo yaqaan ayay soo saareen oo fariimo dirayay,isticmaalayaashuna waxay si dhakhso ah u gaadheen 250,000 oo isticmaale. Koum ayaa booqday Acton oo kusoo biiray. Acton ayaa ka dhaadhiciyay shan nin oo ay hore uga wada shaqayn jireen Yahoo inay ku maalgeliyaan $ 250,000. Acton  ayaa noqday la-aasaase(Co-founder) waxaanu si rasmi ah ugu soo biiray noofambar,2009kii.
WhatsApp-ka waxa si rasmi ah loo daahfuray bishii noofambar ee sannadkii 2009kii. Koum ayaa soo kiraystay Chris Peiffer oo ay  saaxiib hore ahaayeen,si uu  u sameeyo qaybta Blackberry ee WhatsApp ku shaqayn kara,kaasi oo la soo saaray laba bilood ka dib.
Kor-u-kicii WhatsApp-ka
Bishii feebarweri ee sannadkii 2013kii, macaamiisha WhatsApp ayaa kordhay oo gaadhay ilaa 200 oo milyan oo isticmaale,shaqaalaha WhatsApp na waxa uu noqday 50 shaqaale. Shirkadda Sequoia Capital ayaa ku maalgelisay $ 50 milyan oo doolar,waxaana WhatsApp lagu qiimeeyey $ 1.5 bilyan.Diisambar sannadkii 2013kii, WhatsApp ayaa sheegatay inay isticmaalaan 400 milya oo macmiil bil kasta. Bishii Abriil ee sannadkii 2014kii, WhatsApp ayaa lahaa 500 milyan oo macmiil oo bishii si joogto ah u isticmaala,700 milyan oo sawir iyo 100 milyan oo muuqaal ah oo la wadaagay maalin kasta. Fariimaha ayaa iyaguna gaadhayay 10 bilyan maalin kasta. 24kii ogosto, sannadkii 2014kii Koum ayaa kaga dhawaaqay akoonkiisa Twitter-ka in WhatsApp-ka  macaamiishiisu ay kor u dhaafeen 600 milyan dunida oo dhan.  WhatsApp-ka ayay kusoo biirayeen 25 milyan oo isticmaale bil kasta ama 833,000 oo si joogto ah u isticmaalayay maalin kasta. Macaamiisha WhatsApp-ka ee waddanka Hindiya ayaa gaadhaya 65 milyan waa  10% isticmaalayaasha WhatsApp. Hindiya waa waddanka ugu isticmaalka badan.
Bishii jeenaweri ee sannadkii hore, WhatsApp  waxa uu noqday barnaamijka ugu caansan ee fariimaha la iskugu diro,macaamiisha WhatsApp-na waxay ahaayeen 600 milyan oo si joogto ah u isticmaalayay.
Horaantii sannadkii 2015kii, WhatsApp-ku wuxuu lahaa 700 milyan oo macaamiil ah oo bishii si joogto ah u isticmaala,halka 30 bilyan oo fariimood ay dirayeen macaamiisha WhatsApp-ku maalin kasta.
Bishii Abriil ee sannadkii 2015kii wargeyska Fobres ayaa saadaaliyay in sannadada u dhexeeya 2012ka ilaa 2018ka ay shirkaddaha isgaadhsiintu lumin doonaan isku darka lacag dhan 386 bilyan oo doolar,sababta oo ah adeegyadda casriga ah sida WhatsApp-ka iyo Skype-ka. Isla bishaa abriil ee sannadkaa macaamiisha WhatsApp-ku waxay gaadheen 800 oo bilyan oo si joogta ah u isticmaala
Bishii abriil ee isla sannadkaa WhatsApp-ka macaamiishiisu waxay gaadheen 800 milyan oo si joogta ah u isticmaalayay. Bishii sebtamber ee isla sannadkaa waxay gaadheen macaamiisha WhatsApp-ka 900 milyan.Bishii feebarweri ee sannadkan macaamiisha WhatsApp-ku waxay gaadheen 1 bilyan oo isticmaale (hal bilyan).
La Soco Qaybta 2aad Haddii Eebbe Idmo

W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)

No comments:

Post a Comment