Waa maanso ka hadlaysa,diiwaangelinta cod-bixiyayaasha
ee gobolka Maroodi-jeex ka socota, xildhibaanada soo socda iyo kuwa ku habboon.
Xalay (03/05/2016) oo Salaasa ahayd ayaan tiriyay. Faalladu waa xaggiina.
Waxaan ku bilaabay:
Wakhtigu waa gabaabsiye,
Tiradu yaanay kaa degman,
Wixii aad gocan lahayd,
Eed gaddaal ka baran lahayd,
Hadday kula gudboon tahay,
Go’aan inaad ka gaadhee,
Garashada adeegsoo,
Goobaha iska xaadiri.
Mutacallin aad garanayso,
Meelahaa ha guuxine,
Waajibkaaga gara oo,
Gacantaada ugu hiili,
Wakhtigaaga gelin sii,
Goobaha iska xaadiri,
Gedaal baad ka helaysaa,
Galladdii aad bixisee,
Intaa iga guddoonoo,
Gaws-dambeedka ku qaboo,
Goor dhawna qiimee.
Haddii aad go’doomiso,
Ninkaad gaadhka bidi layd,
Xaqa aad goobayso,
Goormaad helaysaa?
Mid wax gambinaya oo,
Arladaba gubayaa,
Intuu golaha tegi laa,
Adaa geerka u hayee,
Hadda go’aan ka qaadoo,
Mid xilkiisa garanaya,
Oon hadhow gaddanayn,
Kooramka uu galayo,
Golaha u soo xullo!
Garashada aqoontuna,
Waa inay gorfeysaa,
Waxa geeddi soo jira,
Waa inay guddoontaa,
Waxa guusha dhalinaya,
Waa inay ka gubataa,
Waxma-garata doonaysa,
Gabbankiyo haweenkuba,
Daasad inay u garaacaan,
Waa inaanay daba gelin,
Miday haybta is galaan.
Gabbaad baan ka filayaa,
Xildhibaanka soo gala,
Goobta ay fadhiyaan,
Kuwan lagu kadab go’ay.
Godkii laygu cunay shalay,
Berri inaan ku gubtaa,
Garashadaa diidaysa!
Inta dugsi gashayee,
Jaamicad uga gudubtaay,
Dalka adaa ka gaadhee,
Codkaaga hala gabbanin,
Hadhowna ha giriifin,
Garma-qaate la xullee,
Inta aad gabbanayso,
Goobtaad bannaysaba,
Midaan xilka geyin baa,
Jujuub kusoo galayee,
Gadaal haka calaacaline,
Goobaha iska xaadiri!.
Adoo guurtidaadiyo,
Waayeelkaaga geddin kara,
Gees ha uga leexanin,
Sidii aan wax kaa gelin.
Gobolkuna ma deganee,
Waa inay la gaar yihiin,
Wixii loogu hawl galay,
Ginnidiyo lacagtana,
Waa inaanay kaa guran,
Gurrac yay u talinine,
Gar-naqsiga ogsoonoow,
Galabta iyo laylkaba.
Dhamaad.
No comments:
Post a Comment