Sunday, January 18, 2015

Qaybtii 2aad "Doob iyo Gashaanti Dahab ku Tartamay"


Markii ay gashaantidii intaa tidhi ayuu Doobkii hadalka qaatay oo uu u jawaabayaaa gashaantida,isaga oo difaacaya Doobka iskana indha-tiraya inuu jiraba nin ay dumarku dhaamaan.

Doobkaa hadalka qaatoo
Wuxuu yidhi dadkii hore;
Dumarku way xishoon jireen
Hadday gaajo dilaysoo
Haraad uu daashado
Lagama dareemayn.
Wadcigaa is doorshoo
Hadba dhinac u duuree
Kuwan dunida xulayee
Diintii islaamkiyo
Wixii dhaqanku diidayay
Darajada u haystee
Dabarkiyo hogaankii
Labadiiba dacalmaray
Miyaan geel dihinoo
Baarqabkiina lagu daray
Hibo ugu diriyoon
U dareerin karayaa?

No comments:

Post a Comment