Tuesday, January 20, 2015

Waan Arkee, Maan Akhriyin!

Maqaalkan waxa igu kalifay su’aal in badan igu soo noq-noqotay,dareenna igu abuurtay taasi oo la xidhiidha qoraalka iyo akhrintiisa.Maqaalo la sheego ma qoro ee mar mar ayaan mareegaha ku qoraa wax aan sidaas u sii badnayn, kuwaasi oo haddana in badan asxaabtaydu i waydiiso.Su’aasha ugu badana waata keentay inaan maqaalkan ka qoro.
Su’aashu waxa weeyi,asxaabta qaar ka mid ah ayaa arkaya maqaal aan qoray,markaasi ayuu kaaga waramayaa oo uu ku odhanayaa; maqaal aad leedahay ayaan arkay.Markaan waydiiyo muxuu ku saabsanaa ama ka waran dareen celintaada, ayuu haddana kuugu
jawaabayaa;waan arkee,maan akhriyin.Maaha laba iyo saddex inta aan la kulmay arrintan,waxaanay igu dhalisay inaan qoraalkan ka qoro,si aan asxaabtayda u dareensiiyo inay akhriyaan inay ka qiimo iyo qaayaba badan tahay inay arkaan oo ay dhaafaan. Waxaan jecelahay inay hadday wakhti u helan akhriyaan si qaladkayga iyo meelaha aan ku liito iigu sheegaan,maadaama aan socod barad ahay qoraalka.
Maaha maqaaladayda habaqlaha ah oo keliya,inay ku badan tahay;waan arkee maan akhriyin,ee maqaalo qoraayadda caan ka ah qoreen xiisa badan iyo xog miisaan leh na xambaarsan ayaa lagu odhanayaa;ciwaankaas ayuu lahaa,laakiin hoos ugumaan daadegin oo maan akhriyin.Hadda inagama aha helleel la’aan ee waa inaga wahsi iyo inaynaan weli baran faa’iidooyinka wax akhriska, iyo u kuurgelidiisa toona.Waxaan odhan laha fadhigaa fadhi ha looga noqdo oo dedaalka hala badiyo.Maanta lama joogo wakhtigii la odhan jiray meel buugaag laga helaa ma jirto oo cudur-daarkaa waxa soo geba-gebeeyay qoraayadda sida hagar la’aanta ah inoogu soo gudbiya qoraaladda dhaxalgalka leh,ee marka aad gasho maktabadaha aad is odhanayso;yaa kuu rara dhammaantood buugta taala,marka aad kala dooran kari weydo buugta taal ee aad garan weydo mid aad iibsato iyo mid aad ka tagtaba.Haa waa runtay oo maanta buug way inoo buuxdaa,waxaana ka daran inta qoraa da’ yar inoo soo kacay ee rag iyo dumarba leh.Waxaan shaki ku jirin inay dhiirigeliyeen buugaagta iyo qormooyinka ay akhriyaan ee ay qoraayadda waaweyn qoreen.Wargeysyada iyo mareegaha ciida iyo camaarka ka batayna wax kaga dar dardar gelinta akhriska iyo qoraalka.Waxa maskaxdaada ku soo dhacaya markuu Hadraawi lahaa:
Maxaa qalinku sheekiyo,
Qubanaha araartiyo,
Kolba qodob la yaabliyo,
Ma hadhooyin qorayaa!

W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)

No comments:

Post a Comment