Tuesday, February 10, 2015

Ma Digriiga Madhanee,Isku Qaba Diktoorkaa!

Tuducan aan cinwaanka ka dhigay waxa uu ku jiraa gabay uu leeyahay abwaanka weyn ee Xasan Xaaji Cabdilaahi “Ganey”waxaanu ka hadlayaa aqoonyahan cilmigiisa mugdi badan ku jiro,kalsooni badana aan lagu qabin.Waxa maanta taas la mid ah aqoonyahanka tira dhaafay ee Somaliland sannad kasta soo qalin jabiya.
Tobankii sannadood ee la soo dhaafay Somaliland waxa wax bartay arday aad u tiro badan,
kuwaasi oo ka qalin jabiyay jaamacaddaha dalka,inkasta oo ay jiraan inyar oo dibadda wax kasoo baratay,waana wax lagu farxo iyo hormar soo kordhay.
Somalidu waxay tidhaahdaa “Nimco waliba nusqaan leh e’ ” waxa ardaydaa faraha badan ku lammaan duruufo  xagga tayada wax barashada iyo degaankaba leh.
Tusaale fiican waxa kuu ah halka jaamacaddaha badankoodu ku yaalaan waa Hargeysa marka laga reebo jaamacadda Camuud oo Boorama ku taala,waxaanay Hargeysa leedahay hal maktabad wax lagu akhristo.Tiina inkasta oo la leeyahay waa la iibiyay dhismaheedii,haddana marka aad eegto tirada ardaydaa iyo goobaha wax akhriska oo yar waxaad isweydiinaysaa;halkay buuggaagta ka daalacdaan?
Dhawrka sannadood ee uu ardaygu dhiganayo jaamacadda,marka laga reebo inyar oo fara ku tiris ah,imtaxaanka uun bay wax akhridaa ardaydu,marka ay ka gudbaana dib uma eegaan xiisaddaa iyo waxyaabaha la xidhiidha toona.Inta Imtaxaanka kale soo dhawaanayana wax akhris shaqa kuma laha, cilmi baadhisna haba soo hadal qaadin.
Nin aanu asxaab nahay  ayaa ka yaabay marka imtaxaan soo dhawaado sida ay ardaydu u dedaasho ee ay wax u akhrido iyo marka Ramadaan la gaadho siday dadku u cibaadaystaan.Waxaanu yidhi”Haddii Ramadaan uun lagu jiri lahaa,dadku si fiican ayay u cibaadaysan lahaayeen,haddii imtaxaan uun lagu jiri lahaana ardaydu wax akhris uun bay ku jiri lahaayeen oo way dedaali laahaayeen.Waana  runtiisa.
Bal aan dhawr  tusaale soo qaadano:
Maalin annaga oo meel meherad ah wax ku qor-qorayna,ayaa oday inankiisii ka sheekaynayaa waxa uu yidhi”Waa jaamici wax bartay”. Nin aanu saaxiib nahay oo ila fadhiyay ayaa yidhi”Waxa ay waalidku inaga aaminsan yihiin iyo sida aynu wax u baranaa waa kaaf iyo kala dheeri” Waanan ka garaabay hadalka saaxiibkay.
Habeen ayaanu bas soo wada raacnay nin aanu asxaab nahay oo aanaan in muddo ah is arag,waanu is xog waraysanay.Waxa uu ii sheegay inuu Shahaadadii labaad dhameeyey oo dhawaan waddanka dib ugu soo noqday.Waan ku hambalyeeyey.
Waxaase uu ii raaciyay waxaan rabaa inaan shahaaddada saddexaad (Doctorate) qaato oo aan dhawaan bilaabo.Waxaan ku idhi malaha inaad waxogaa yar shaqayso ayaa fiican,si aad u korodhsato khibrad,maadaama aad wax badan wax baranaysay.
Hadal aanan meeshaba ka filayn ayuun buu igu yidhi.Ku-ye labadaa xaraf (Dr) ayay iga haysataa,waxaanan rabaa in la igu ixtiraamo! Cajaba Rabbi. Waxaan isweydiiyay oo tolow aqoontaba ma waxa loo bartaa in lagu yidhaahdo iskuul ayuu galay oo waa jaamici iyo in lagu buun-buuniyo?Haddii uu labada xaraf iska caashaqay,miyuu afar sanno oo caafimaad ah barto,markaasaan cidina kala bakhaysheen darajada eh. Aniga oo yaaban ayaan baskii ka degay waanan maca-salaameeyey.
Arday dugsi sare ka baxay ayaa damcay inuu jaamacad galo,wuxuu xog-waraystay  asxaabtiisii markaa jaamacadaha kujiray,ee ka horaysay  si ay xog ugu caawiyaan.
Kulliyadihii ayay u taxeen,iyaga oo mid walba u sheegay waxa lagu barto iyo waxay la xidhiidho,qaar ka mid ahna usoo jeediyay inuu ku biiro oo uu ku takhasuso.
Ardaygii markii dhawr loo sheegay ayuu yidhi; taas xisaab ayaa ku jirta ee iga daa ,tanna wax akhris badan ayay u baahan tahay oo marabo ee waxaad ii doortaan mid aan wax akhris iiga baahnayn oo aan si fudud u dhigan karo.Wuxuu asxaabtiisii u sheegay inaanu samir u lahayn buuggaag waaweyn oo la akhriyo,haabkana kuba hayn  iyo inuu madaxa daaliyo  oo uu ku wadakho wax-akhristoona.
Macalin machad tiknoolaji ah dhigayay ayaa gabadh ardayad ah waxa uu ku yidhi; qalabkaa fur-fur oo haddana isku xidh-xidh,waxay se ardayadii ku jawaabtay; macalin ciddida ayaa iga jabaysa ee iga daa!.Macalinkii oo yaaban ayaa ku yidhi oo sideed haddaa ku ogaan inaad fahamtay casharka  iyo in kale? Waxay tidhi; xaafadda uunbaa igu soo qasabta oo wakhtiga uunbaan ku lumiyaa ee iga daa fadlan.
Waxaan halka tusaale ee togan iyo dhawrka taban usoo qaatay,si aan toosha ugu iftiimiyo, dareenka bulshaddana ugu soo jeediyo sida ay u kala badan yihiin.
Waxay muujinaysaa tayada iyo hanka ardayga ee haatan jooga,aniga oo aan iska saarayn inta gol-daloolooyinka leh ee aan xagga sare kuxusay,haddana waxa loo baahan yahay in hankeena iyo himiladeena waxbarasho kor loo qaado oo ardaygu garto waajibaadka ka saaran bulshadda uu wax u baranayo iyo doorkiisu waxa uu noqonayo marka uu wax barto ee uu soo aflaxo.Igama aha xummaan raadis iyo dhaliil doon-doon midna.Xaasha! Waxaanse damcay inaan idinla wadaago dhawrkan dhacdo iyo qaar kale oo fara badan oo aan la soo koobi karayn

W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye) 

No comments:

Post a Comment