Tuesday, March 10, 2015

Dib U Dhaca Doorashada, Yaa Dambigeeda Leh!


Shalay oo ay taariikhdu ahayd 9kii maarj ayay gudida doorashooyinka Soomaaliland ku dhawaaqeen in diwaangelinta doorashadda bilaabi doonaan dabayaaqada bisha julaay ee inagu soo aadan, taasi oo micnaheedu tahay inaanay doorashadu dhacaynin xilligii la filayay inay qabsoonto oo ahayd 26ka bisha juun ee sannadkan 2015ka.Waxa isweydiin leh;yaa ka masuul ah qabashada doorashadda,
yuu xilka saaran yahay inay doorashadda xilligeedii ku qabtaan,yaa dejiya shuruucda doorashadda hagta,yaa kormeera doorashada oo hubiya inay si hufan u dhacday iyo in kale?Hadday u dhici waydo,xaggee loola noqdaa o ah ah marjac?
Weydiimahaas iyo kuwa kalaba waa lagu dhaga barjoobay oo aad ayaa la isku weydiinayaa gees ka gees.Dhug u yeelo qodonban dastuuriga ah!
QODOBKA 53AAD
AWOODDA IYO WAAJIBAADKA GOLAHA WAKIILADA:
1. Waxa waajib ah inuu oggolaansho Golaha Wakiilada ka helo qof kasta oo loo magacaabo Wasiir, Wasiir-ku-xigeen, iyo Madaxda Hay'adaha Dawladda, iyadoo la raacayo Dastuurka.
2. Golaha Wakiiladu waxa kale oo uu awood u leeyahay ka doodista, wax-ka-sheegista, celinta oo sababaysan iyo ansixinta Barnaamijka Xukuumadda.
3. Golaha Wakiiladu waxa uu ansixinayaa heshiisyada dawliga ah ee ay ka mid yihiin kuwa siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ama kuwa keenaya culays maaliyadeed oo cusub oo aan ku soo aroorin miisaaniyadda, ama keenaya soosaarid ama wax-ka beddelid qaanuun.
4. Golaha Wakiiladu waxa uu u gudbinaya Golaha Xukuumadda tallooyin iyo tilmaamo ku saabsan siyaasadda guud ee hogaaminta.
5. Ku-soo rogida dalka, ama qayb ka mid ah xukun deg-deg ah, waxa Golaha Xukuumaddu uu waydiisanayaa labada Gole {Golaha Wakiilada & Golaha Guuritada} oggolaansho.
6. Golaha Wakiiladu waxa uu awood u leeyahay inuu u yeedho Xukuumadda ama hay'adaheeda iyo wakaaladaheeda, si uu wax uga waydiiyo gudashada xilkooda.
7. Guddiyada Golaha Wakiiladu waxay awood u leeyihiin in ay Wasiirka ama madaxda hay'adaha Dawladda ama madaxda sare ee kale ee Qaranka ee hawshoodu khusayso, in ay wax ka waydiiyaan gudashada xilkooda.
Halkaa waxa inooga cad inay cidda ka gaabisay qabashada doorashada tahay xukuumadda oo lagula xisaabtami doono wixii dhacana masuulka noqon doonta.
Sida aan lagu muransanayn Soomaaliland waxay qaadatay nidaam dimuqraadi ah oo madaxda dalka lagu soo dooranayo doorasho shantii sannaba hal mar,hadday tahay doorashadda madaxtooyada,baarlamaanka iyo degaanadaba. Sida la ogsoon yahay saddexda waaxood ee dawladda mid walba waxay u igman tahay shaqa gaar ah iyaga oo haddana wada shaqayn buuxda leh oo iskaashanaya marna is ceshanaya oo qallooca iyo qaladkaba iska saxaya.Haddii baarlamaankii shaqadiisu tahay xeer dejin,garsoorkiina hawshiisu tahay gar-naq sharci,maxay tahay waaxda fulinta hawsheedu?Waa waaxda ugu ballaadhan ee fulisa qaybta ugu miisaanka culus.Haddii ay shaqadeedu taas tahay oo ay caddahay;maxaa muranka keenay in doorashadii dib u dhaceeda la isku tuur-tuuro oo marna la eedeeyo baarlamaanka marna fulinta oo wakhtigiiba isjeed-jiid ku dhammaado iyo muran aan micno lahayn oo madhalays ah?Waa markuu alle ha u naxariistee macallin Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye maansadiisii Saxansaxo ku lahaa:
Inta hebelba hebel saaranyahee, dhiriq kusaydhaayo,
Iyaba waa su’aal idin hortaal, sidaa ka yeeshaane,
Sharciga waddanka u yaalaa wuxu qeexayaa qodobka 42aad faqradiisa 3aad waxay leedahay Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurrada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go'aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukummaddu sidaa soo jeediyo.halkaa waxa inooga cad in doorashada dib loo dhigi karo iyada oo cidda xilkaa lihi ay shaqadeeda ka gudanayso ,laakiin aanay maanta intaas midna jirin oo aanay xukuumadda talada dalka haysaaa marna shacabka soo hordhigin dufuur laga garaabi karo oo ka mid ah kuwa xagga sare ku xusan.Balse taa bedelkeeda ay ku celcelinaysay ;doorashadu xilligeedii ayay ku dhacaysaa iyo annaga waa naga diyaaar ,miisaaniyadda ayaanu ugu darnay iyo wax la mid ah oo maanta soo gebagaboobay,baabkaana la soo laabtay markay runtii caddaatay.
 Waxaase isweydiin leh, xukuumadda hadda jirtaa ma haysatay wakhti ku filan oo ay hawsha inta ay leedahay kaga soo dhalaali lahayd?Taasi sida maalinta ayay u caddahay oo waxay talinaysay muddo ku dhow shan sanno oo doorasho diyaarinteeda iyo wax ka badan ba way qaban karaysay,waxaase isweydiin leh;maxay maanta ku hadli oo ay  cudur daar ka dhigan afmiishaaradii xukuumadda difaaci jiray ee wasiiro iyo kuwa lasoo wakiisho oo waxogaa inta loo soo dhiibo ummadda wareerin jiray ee war aan jirin waagii baryaba warbaahinta shacabkan lagu wiirsanayo ee daryeel la’aanta wadhan  ku waalay!
Xukuumaddu waxay leedahay aqlabiyadda baarlamaanka ,hadday ka go’antahay qabashadda doorashadu,maxay arrintaa meel ugu tiirin weyday,waa kuwa mudanayaashu  markay mooshin dufan leh  arkaanba sida shinida  ugu soo xooma eh’? Hadday daacad ka yihiin qabsoomida doorashada,maxay iyaga oo iskaashanaya meel ugu tiirin waayeen oo ay meer-meeriska iyo maraatada wakhtigii ugu madhiyeen?Waxaan kusoo afmeerayaa gabaygii Cabdi Iidaan Faarax naxariistii janno alle haka waraabiyee uu lahaa:
Dorraad iyo shalay-jire,
Doorka maanta noo-jire,
Dib-u-jire hadhow-jire,
Ninba weel u daray baa,
Deyn loogu leeyahay,
Diiwaanka Qarankiyo,         
Taariikhdu duug ma leh!

W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)


No comments:

Post a Comment