Monday, June 15, 2015

Sooyaalka Twitter-ka Qaybtii 1aad



 
Twitter-ku waa shabakad bulshaddu ku xidhiidho taasi oo isticmaalayaasheeda u sahasha inay diri karaan, akhrina karaan qoraalo gaagaaban oo ilaa 140 erey ah kuwaasi oo loogu magacaabo “Tweets”.
Twitter-ka waxa la sameeyey bishii Maarj ee sannadkii 2006dii,waxaana hormuud ka
ahaa dadkii sameeyey Jack Dorsey, Evan Williams, Biz Stone iyo Noah Glass.Waxaana mareegta  si rasmi ah loo daah-furay bishi Julaay ee isla sannadkii 2006dii.Addeegga Twitter-ku waxa uu markiiba soo jiitay dareenka in badan oo caalamka ka mid ah. Sannadkii 2012kii in ka badan 100 malyuun oo isticmaalayaashiisa ka mid ah ayaa waxay soo dhigeen 340 malyuun oo qoraal maalintiiba.Addeegga Twitter-ku waxa kale oo uu maamulaa 1.6 bilyan (Bilyan iyo lix boqol oo kun) maalin kasta nooca loo yaqaan search queries.

Qaabka isdiwaangelinta
Qofka isdiwaangeliyaa waxa uu akhriyi karaa soona dhigi karaa Tweets (qoraalo), laakiin qofka aan diwaangashanayn wuu akhriyi karaa uun.Twitter-ka waxa laga isticmaali karaa adiga oo booqanaya mareegtiisa, Fariimaha gaagaaban ee loo yaqaan(SMS), adeeg ku jira moobiladdan casriga ah ee loo yaqaan Smart Phones.Twitter-ka xaruntiisa guud waa magaaladda Sanfaransiisko ee waddanka Maraykanka,waxaanu 25 xafiis ku kala leeyahay daafaha caalamka.
Macaamiisha Twitter-ku waxay soo dhigaan qoraalo iyaga oo isticmaalayaa calaamadda Hashtag (#), sidoo kale calaamadda @ oo laga horaysiiyo magaca isticmaalaha ayaa loo isticmaala in lagu qoro ama lagaga jawaabo qoraalada (Tweets) ay asxaabtu soo dhigaan.
Si macmiilku uu uga jawaabo fariin uu usoo diray macmiil ama uu cidkale ula sii wadaago,waxa uu macmiilku ku dhufanayaa badhan (Button) ay ku qoran tahay dib-uqor (Retweet).
Fikraddii Twitter-ku ka dhalatay
Twitter-ka waxa asalkiisu uu kasoo bilaabmay maalin dhan oo maskax-tuujis ah taasi oo ay yeesheen xubno ka tirsanaa Podcasting Company Odeo. Dorsey oo ahaa arday jaamicadda New York dhigta ayaa lahaa fikradda ah in la sameeyo addeeg la isticmaalo si ay ugu xidhiidhaan dad aad u tiro yar.Magaca mashruuca markii hore loo bixiyay wuxuu ahaa TWTTR, fikraddaasi oo William uu markii dambe u sheegay Noah Glass, waxaana dhiiri geliyay Flickr,taasi oo loogu talo galay shan xaraf oo u dhiganta luuqadda Maraykanka.Aqoonyahanaddu markii hore waxay kasoo qaadeen tiradda 10958 inay u taagnaato luuqadda ay isticmaalayaan, laakiin gadaal ayaa loogu bedelay 40404, taasi oo looga danlahaa si ay u fududayso ama u sahasho.
Shaqadda mashruucu waxay bilaabantay 21kii Maarj, ee sannadkii 2006dii,kadib markii Dorsey uu soo daabacay fariintii u horeysay ee Twitter-ka saacaddu markay ahayd 9:50 habeennimo.Markaa uunbaa la taagay TWTTR,waxaanu Dorsey sharraxay orojinka cinwaanka Twitter-ka waxaanu yidhi.”Waxaanu ikhtiraacnay magaca Twitter, waananu ku guulaysanay”. Magaca Twitter macne ahaan waxa uu noqonayaa codka dabacsan ee shimbiraha yar-yar ay sameeyaan ee loo yaqaan ‘Jabaaq’. marka af-soomaali loo hal-tebiyo.Waxa kale oo uu Boobe Yuusuf Ducaale ii sheegay in codka dabacsan ee shimbiriha yar-yar la yidhaahdo Dubbe,aniga oo uga marti noqday erey bixinta.

Akoonaddii ugu horeeyey ee Twitter-ka
Akoonaddi ugu horeeyey waxay ahaayeen 14 akoon,kuwaas oo la sameeyey 21kii Maarj,ee sannadkii 2006dii dhammaantoodna waxay ahaayeen shaqaalaha Twitter-ka,waxaana ka mid ahaa @Jack(Jack Dorsey), @Bis (Biz Stone) iyo @noah (Noah Glass) oo dhamaantood ah aasaasayaasha Twitter-ka.

Nashqaddii ugu horaysay ee uu ikhtiraaco Dorsey iyo qandaraasle Florian Weber, waxa loo isticmaalay addeeg ka dhex shaqeeya shaqaalaha shirkadda Odeo, waxaase isaga oo dhamaystiran daaha laga qaaday 15kii bishii julaay ee sannadkii 2006dii. Bishii oktoobar ee sannadkii 2006dii, Biz Stone, Evan Williams, Dorsey iyo xubno kale oo kambaniga Odeo ka tirsan ayaa waxay sameeyeen shirkad,waxaanay u baahdeen kambaniga Odeo iyo hantidiisaba oo ay ku jirto mareegtooda”Odeo.com iyo Twitter.com.
Twitterku waxa uu iskii u noqday kambani bishii abriil ee sannadkii 2007dii.Williams oo sharraxaya marxaladihii bilowga ee Twitter-ka ayaa waxa uu yidhi”may caddayn waxa uu ku saabsan yahay(noqon doono) Waxa lagu magacaabayay bog bulsho (Social Media) ,bog weyn (Mircobloggin) oo wax lagu qoro ,laakiin way adkayd in la sharraxo,waayo waxba may bedelin(wax cusub ma keenin). Twitter-ku waxa uu iska bedelay wixi loomalaynayay bilowgii kaasi oo ahaa casriyaynta heerka qofka “status updates” iyo addeeg bulsho, laakiin Twitter-ku waxa uu noqday goob(mareeg) xogta la isku dhaafsado oo ay bulshadu ku xidhiidho.
Twitter-ku waxa uu dabarka goostay (shaac-baxay) shirkii South by Southwest Interactive(SXSWi) ee  sannadkii 2007dii.Intii lagu gudo jiray shirkaa isticmaalka Twitter-ku waxay siyaaday (kor-u-kacday) 20,000 ilaa 60,000 oo qoraal maalintii. Twitter-ku waxa uu dhigay goobta shirka muraayad(shaashad) si gaar ah looga dheehanayay fariimaha Twitter-ka.
Fal-celintii shirka ee Twitter-ku waxay ahayd mid togan.Blogger Scott Beale ayaa yidhi” Twitter-ku run ahaantii shirka wuu ka dhex muuqday”. Danah Boyd oo ah Cilmi baadhe barnaamijyadda bulshadda ayaa isna yidhi”Twitter-ka ayaa shirkaba qabsaday”. Shaqaalaha Twitter-ka ayaa ku guulaystay abaal marintii carwadda (Festival’s Web Award Prize) iyadda oo lagu xardhay jaa’isadda:”Waxaanu idiinka mahad-celinaynaa 140 xarafiyada oo loola jeeday 140 erey ee Twitter-ka lagu qoro  ………La soco qaybaha dambe

W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)





No comments:

Post a Comment