Kor-u
kicii Twtitter-ka
Twitter-ku
waxa uu soo maray marxalado kala duwan, waxaanu ku socday xawaare aad u
sareeya. 400,000(afar boqol oo kun) oo qoraalo(twteets) ayaa la soo dhigay
saddexdii billood ee kasta sannadkii 2007dii,tiradaasi oo aad kor ugu kacday
sannadkii xigay ee 2008dii,waxaanay noqotay 10 malyuun(toban malyuun).Bishii
Feebarweri ee sannadkii
2010kii, macaamiisha Twitter-ku waxay dirayeen 500
malyuun(Shan boqol)oo tweets ah maalintiiba.Bishii Maarj ee isla sannadkaana
,Twtiiter-ku waxa uu diwaangeliyay in ka badan 70,000 oo codsi,halka bishii
Juun ee isla sannadkaa 65 malyuun oo tweets la soo dhigayay maalin kasta,taasi
oo la mid ahayd in ilbidhiqsigiiba la soo dhigayay,sida uu sheegay
Twitter-ku.Bishii Maarj ee sannadkii 2011kii,140 malyuun ayaa la soo dhigayay
maalin kasta.Sida ay sheegtay Compete.com,Twttiter-ku waxa uu galay kaalinta
saddexaad boggagga lagu xidhiidho bishii Jeenaweri ee sannadkii 2009kii, halka
uu markii hore kaga jiray liiska lala kasaraynta kaalinta 22aad.
Twitter-ka isticmaalkiisu waxa uu
istaagay munaasabado dhawr ah,sida koobkii adduunka ee sannadkii 2010kii, ka
dib markii ay soo dhigeen taageerayaasha Jabaan 2,940 qoraal(tweets) soddon
ilbidhiqsi gudahood, markii Jabaan ay gool ka dhalisay Kamaruun juun 14keedii,
qoraalkaas oo ahaa rikoodhkii ugu sareeyey ee marqudha lasoo dhigo,laakiin muu
noqon rikoodhkaasi mid waara oo waxa jabiyay taageerayashaasha Los Angeles Lakers oo soo dhigay 3,085 oo qoraal(tweets)
,ka dib markii Los Angeles ay ciyaartii baaskidka(NBA) ee kamadambaysta ku
guulaysatay 2010kii.Rikoodhada xigay waxay ahaayeen 7,196, oo ahayd sannadkii
2011kii,koobka adduunka ee dumarka intii lagu guda jiray ciyaar dhexmaraysay
Maraykanka iyo Jabaan.
Markii uu dhintay Michael Jackson
25kii juun,2009kii,serfarkii Twitter-ku wuu burburay, kadib markay macaamiishu
isweydaarsatay 100,000(Boqol Kun) oo qoraalo saacaddiiba ,kuwaasi oo ay ku
xardheen Michael Jackson.Rikoodhka hadda yaala waxa la dhigay bishii ogos ee
sannadkii 2013kii,waana 143,199 qoraal(tweets) saacaddiiba, waxaanu u xidhan
yahay waddanka Jabaan.
Dib-u-habayntii
Twitter-ka
Billihii Sebtambar ilaa Oktoobar ee
sannadkii 2010kii, ayuu Twitter-ku bilaabay dib u habayn uu ugu magac daray“New
Twitter”,waxyaabaha uu soo kordhiyay waxa kamid ahaa in macmiilku arki karo
sawiradda iyo muuqaalada isaga oo aan xidhayn bogga Twttiter-ka, kaliya waxa uu
ku dhufanayaa(Click) halka uu ku qoran yahay lingaxa(link) muuqaalka ama
sawiradda,waxaanu si toos ah kuugu hagayaa mareegaha sida Youtube iyo Flickr ee
muuqaalada qaabilsan Addeeggan cusub waxa uu Twitter-ku si rasmi ah u dhaqan
galay isticmaalkiisa bishii noofambar ee sannadkii 2010kii.
Bishii
maarj 21keedii,sannadkii 2012kii, ayuu Twitter-ku u debaal-degay sannad
guuradiisii 6aad,waxaanu ku dhawaaqay 140 malyuun oo macmiil ah iyo in
maalintiiba la soo dhigo 340 malyuun(Saddex boqol iyo afartan malyuun) oo
qoraal(Tweets),waxaanay kor u kaceen
isticmaalayaashiisu 40%, marka loo eego sannadkii ka horeeyey oo uu lahaa 100
malyuun oo isticmaale(macmiil).
Bishii
juun 5teedii, sannadkii 2012kii ayuu Twitter-ku dib-u-habayn ku sameeyey
astaanta, isaga oo qoraalkii ka masaxay si uu tayada kor ugu qaado. Bishii Sebtambar ee
sannadkii 2013kii, xog uu Twitter-ku soo saaray waxa uu ku sheegay in 20
malyuun(labaatan malyuun) oo macaamiil ahi inay diraan 40 malyuun (Afartan
Malyuun) oo qoraal(Tweets) maalin kasta, qoraaladaa 60% waxa laga diray
moobiladda casriga ah ee loo yaqaan Smart Phones-ka.
Soogelidii
Suuqa Gaancsiga ee Twitter-ka
Bishii
sebtembar 12keedii, sannadkii 2013kii ayuu Twitter-ku ku dhawaaqay inuu warqad
u qoray guddida amniga iyo sarifka ee Maraykanka, taasi oo uu ku ogaysiinayo
inuu qorshaynayo baddeecad uu soo dhigo suuqa.Warqada ayaa lagu sheegay inuu
Twitter-ku leeyahay 200,000,000 malyuun(laba boqol oo malyuun) oo macmiil oo si
joogta ah u isticmaala iyo in ka badan
500,000,000(shan boqol oo malyuun) oo qoraal (Tweets) oo maalin kasta la
soo dhigo.
Kala
saraynta Mareegaha
Twitter-ku
waxa uu ka mid yahay 10ka mareegood ee loogu daallacashadda badan yahay boggaga
bulshaddu ku xidhiidho sida uu sheegay Alexas Web Traffic Analysis. Bishii feebarweri ee sannadkii 2009kii,
mareegta Compete.com ayaa sheegtay inuu Twitter-ku
yahay mareegta saddexaad ee baraha bulshadda ee loogu isticmaalka badan
yahay.Nielsen.com ayaa sannadkii 2009kii Twitter-ka ku tilmaamtay bogga ugu
korodhka badan boggaga ay bulshaddu ku xidhiidho.
Sannadkii 2009kii, Twitter-ka dadka ugu badan ee
isticmaali jiray waxay ahaayeen dadka waaweyn, oo aan inta badan isticmaalin
boggaga kale ee bulshaddu ku xidhiidho, sida uu sheegay Jeremiah Owyang oo
daraasaynayay boggaga bulshadu ku xidhiidho. ”Dadka waaweyn ayaa hadda la
qabsanaya waxay dadka yar-yar sannado badan isticmaalayeen”sida waxa sheegay
Jeremiah Owyang.Sida ay sheegtay ComScore kaliya 11% ka mid ah macaamiisha
Twitter-ka ayay da’doodu u dhaxaysaa 12-17jir.
Daraasad ay soo saartay Quancast ayaa lagu sheegay
in 27malyuun(toddoba iyo labaatan malyuun) oo qof ay isticmaalayeen Twitter-ka
bishii sebtambar ee sannadkii 2009kii, halka 63% ay ka ahaayeen 35jir wax ka
hooseeya.
Sida
ay sheegtay daraasad ay samaysay Sysomos bishii Juun ee sannadkii 2009kii,
dumarka ayaa inyar ka badan ragga isticmaala Twitter-ka. Dumarka ayaa ah 53%,
halka 47% ay yihiin rag.Waxa kale oo la tilmaamaa in magaaladda New York
hogaanka u hayso magaalooyinka ugu isticmaalka badan Twitter-ka.
Twitter-ku
waxa uu ku dhawaaqay 7dii sebtambar,sannadkii 2011kii in ay 100 malyuun ugu
yaraan daallacdaan, halka 50 malyuun ay daallacdaan maalin kasta.Maqaal la
daabacay 6dii Jeenawari ee sannadkii 2012kii,Twitter-ka waxa la xaqiijiyay in
uu noqday baraha bulshadu ku xidhiidho ka ugu horeeya waddanka Jabbaan, halka
uu Facebook-gu kaalinta labaad soo galay,sida ay sheegtay ComScore oo ka
faalloota arrimahan.
Jabbaan
waa waddanka keliya ee Twitter-ku ka horeeyo Facebook-ga dhammaan caalamka oo
dhan.Twitter-ku waxa uu sheegay 31kii bishii Maarj,sannadkii
2014kii inay 255 malyuun isticmaalayeen bil kasta, halka 198 malyuun ay ka
isticmaalayeen moobilka.Sannadkii 2013kii,ayaa in ka badan 100 malyuun ay
isticmaalayeen Twitter-ka maalin kasta, halka 500 malyuun oo qoraal(Tweets) la
soo dhigayay,waxaana tiraba saddex jeer eegayay Twitter-kooda ilaa 29% ka mid
ah macaamiisha Twitter-ka.
Sannadkii
2012kii, waddanka Maraykanka ayaa noqday waddanka ugu badan ee ay joogtadda u
isticmaalaan macaamiisha Twitter-ku.
Addeegga
Wadaaga Sawirada (Photo-sharing)
Twitter-ku
waxa uu ku dhawaaqay 1dii bishii Juun ee sannadkii 2011kii, inuu sameeyey addeeg sawirada lagu
wadaago(Photo-sharing) kaasi oo macaamiisha u sahlaya inay sawiro inta ay soo geliyaan ay dhigi karaan boggooda
hore ee Twitter-ka.Waxa kale oo ay macaamiishu kusoo dari karaan sawiro qabta
baadi-goobka ee Twitter-ka,iyaga oo ka horaysiinaya calaamadda sallaanka
(Hashtag ”#”) .Twitter-ku waxa kale oo uu qorshaynayaa inuu sameeyo albam kaasi
oo meel iskugu geynaya dhamaan sawiraddi uu macmiilku soo dhigay akoonkiisa
Twitter-ka.
Arrimaha
Bulshadda (Arrimaha
Muranka dhaliyay)
Twitter-ka
waxa siyaabo badan u addeegsadda shirkaddo iyo shakhsiyaad labadaba. Tusaale
fiican waxa u ah mudaharaadyada,taasi oo mararka qaar loogu yeedho Kacdoonkii
Twitter-ka(Twitter Revolution) waxaana ka mid ah kacdoonkii ka bilaabmay
Tuniisiya sannadkii 2010kii ilaa 2011kii,kii Masar sannadkii 2011kii,
doorashadii sannadkii 2009kii ee waddanka Iiraan iyo qalalaasihii waddanka
Moldofa ee sannadkii 2009kii.Dawladaha Masar iyo Iiraan way xidheen Twitter-ka,
si ay uga aargoostaan.Waddamada faaf-reeba waxa ka mid ah Shiinaha, Iiraan, Ciraaq,
Fanisweela, Turkiga iyo Masar.
Wakhtigii
uu socday Gu’gii Carabtu ee horaantii sannadkii 2010kii,daraasad ay samaysay
jaamacadda Dubai School of Government ayaa waxa ay sheegtay in 0.26% ka mid ah dadweynaha masaaridu
isticmaalaan Twitter-ka,halka 0.01% ay ka yihiin waddanka Tuniisiya dadka isticmaalayay,Suuriyana
waxay ahaayeen 0.04%,taasi oo muujinaysa tiradda yar ee isticmaalaysay
Twitter-ka iyo saamaynta xooggan ee uu kulahaa bulshadda dhexdeeda,waxaana loo
aanaynayaa Twitter-ku inuu ka mid ahaa sababihii kalifay Maxamed Xusni
Mubaarik, madaxweynihii hore ee Masar inuu iscasilo.
Waxyaabaha
kale ee loo addeegsado waxa ka mid ah digniinaha dhulgariirka ayaa lagu
baahiyaa, waxa kale oo isticmaala booliska, sida qaraxii 2013kii ee orodkii ka
socday magaaladda Boston lala beegsaday oo ninkii looga shakiyay lagu baahiyay
Twitter-ka.
Twitter-ka
waxa kale oo aad u isticmaala warbaahinta oo wararka deg-degga ah kula
socodsiisa daawadayaasha.Twitter-ka
waxa kale oo isticmaala ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama ,waxaanay
Twitter-kooda ku sheegteen inay ka dambeeyeen qaraxiii Westgate Shopping Mall
ee magaaladda Nayroobi ee waddanka Kiiniya bishii sebtambar ee sannadkii
2013kii.
Saamaynta
Togan ee Twitter-ka
Waxbarashada ayuu Twitter-ku door
wax ku-ool ah ka qaataa, gaar ahaan jaamicaddaha iyo koolajyadda, waxaanu kor u
qaaday isdhexgalka ardayda,gaar ahaan khudbadaha. Dhanka daraasadaha ayuu wax
badan ka taray oo waxa uu Twitter-ku suurtagal ka dhigay dad meelo fog-fog ama
waddama kala durugsan joogaa inay daraasad wada samayn karaan, isla markaana ay
is fudud warka u kala qaadan karaan.Halka Twitter-ku fursad siiyay ardayda
xishoodka badan ee aan fool-ka-foolka ku fiicnayn inay fooramyada kusoo
bandhigi karaan doodahoodda.
Isdhexgalka bulshadda ayuu door weyn
ka qaataa Twitter-ku,waxa kale oo uu door ku leeyahay
siyaasadda,fanka,saxaafadda, dhaqaalaha iyo ciyaaraha dhammaantood.
Hogaamiyayaasha
Caalamka
Hogaamiyayaasha
caalamka iyo diblamaasiyiintooduba waxa ay si dhakhsa ah uga faa’iidaysteen
isticmaalka Twitter-ka, iyaga oo kala xidhiidhaya muwaadiniintooda iyo
jaallayaashooda kaleba.
Safiirka
Maraykanka u fadhiya Ruushka, Michael A. Mcfaul ayaa hormuud ka ahaa
isticmaalka Twitter-ka ee dhanka diblamaasiyadda. Michael ayaa si joogta ah ugu
soo qora Twitter-ka qoraallo Ingiriisi iyo Ruush ah ka dib markii safiirnimadda
loo magacaabay sannadkii 2011kii.
Boqoradda
labaad ee boqortooyadda Ingiriiska Queen Elizabeth II ayaa iyaduna dirtay
qoraalkedii u horeeyey ee dhanka Twitter-ka bishii oktoobar 14dii sannadkii
2014kii. Waxay kaga qaybqaadatay xuska loo samaynayay furitaanka madxafka
London Science Museum’s Information Age Exhibition.
Daraasad
uu sameeyey mareegta TwitDiplamacy sannadkii 2013kii ayaa lagu ogaaday in 153
waddan oo ka mid ah 193 ka waddan ee ku jira qaramadda midoobay inay samaysteen
akoon Twitter ah oo dawladdu leedahay.Daraasad kale ayaa sheegtay in 505 akoon
oo Twitter ah ay isticmaalaan hogaamiyayaasha caalamka iyo wasiiradooda
arrimaha dibadda, waxaanay qoraaladoodu(Tweets) gaadhaan(akhrista) in ka badan 106 malyuun oo ku xidhan.
Jaantuuskan
hoose waxa uu soo koobayaa macluumaadka Twitter-ka.
Nooca
Shirkadda
|
Caam
|
Taariikhda
la aasaasay
|
21kii
Maarj, 2006
|
Xaruntiisa
guud
|
Sanfaransiisko,
Kalifoorniya
|
Inta
uu ka hawlgalo
|
Caalamka
oo dhan
|
Aasaasayaasha
Twitter-ka
|
Jack
Dorsey, Noah Glass, Biz Stone, Evan Williams
|
Nooca
shiradda
|
Intarnad
|
Dakhliga
Twitter-ka
|
$ 664
malyuun
|
Shaqaalaha
Twitter-ka
|
3300
shaqaale ah
|
Mareegta
Twitter-ka
|
Twitter.com
|
Barnaamijka
lagu qoray
|
Java,
Ruby, Scala, Java Script
|
Nooca
mareegta
|
Boggaga
bulshadu ku xidhiidho
|
Diiwaangelin
miyuu u baahan yahay?
|
Haa.Wax baad soo dhigi kartaa,Jaallayaal
ayaad yeelan kartaa markaad is diwaangeliso
|
Isticmaalayaashiisa
|
284
malyuun oo si joogta ah u isticmaala Diisambar 2014kii
|
Inta
luuqadood ee lagu isticmaalo Twitter-ka
|
33
luuqadood ayaa lagu isticmaalaa
|
Shaqaalaha
Twitter-ka
|
50%
waa Ingineero
|
W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)
Tixraac:
No comments:
Post a Comment