Faybarku
waa qaab farriimo degdeg ah iyo VoIP1 oo ku sallaysan
internet-ka kaasi oo loogu talagalay tilifoonadda loo yaqaan
smartphones.Faybarka waxa sameeyey ama ikhtiraacay shirkadda Viber Media
Messages.Waxa kale oo intaa dheer inay isticmaalayaashu isdhaafsan karaan
sawiro,muuqaalo iyo cod dhagaysi ah intaba.
Aasaasayaashii Faybarka
Faybarka
waxa aasaasay afar nin oo laba yuhuud
yihiin labana Beelaruus ,waxaanay kala ahaayeen Talmon Marco iyo Igor
Magazinnik oo ahaa saaxiibbo ka wada tirsan ciidamada difaaaca ee Israa’iil iyo
Sani Maroli iyo Ofer Smocha oo u dhashay waddanka
Beelaruus.Waxa guddoomiye ka
noqday markii Faybarka la daah-furay FaybarkaTalmon Marco oo u dhashay waddanka
Israa’iil.
Faybarka
waxa lagu daah-furay isticmaalkiisa moobilada iPhone-ka 2dii diisambar ee
sannadkii 2010kii ,isaga oo la tartamaya Skype-ka.Qaybtii hore ee Android-ka
waxa la siidaayay bishii may ee sannadkii 2011kii,laakiin waxa loogu talagalay
50,000 oo isticmaale ah oo qudha .Faybarka waxa lagu isticmaalay Blackberry-ga
iyo Windows Phone-ka 8dii may ee sannadkii 2012kii.Bishii Julaay 24keedii ee
isla sannadkaa waxa uu gaadhay Faybarku 90 malyuun oo isticmaale ah. Fariimaha
koox-kooxda ah iyo mishiinka codka (Voice mail) ayaa lagu daray Android iyo
iphone-ka.Waxa kale oo uu Faybarku ku dhawaaqay in Nookiya Series 40, Symbian
iyo Samsung (Bada) lagu isticmaali karo isla
bishii Julaay ee sannadkii 2012kii.
Xarunta Guud ee Faybarka
Faybarku
waa kambani ka diwaangashan Laas Feegas (Las Vegas) oo ah magaalo ku taal
waddanka maraykanka,waxa kale oo uu xarun ku leeyahay waddanka Qubrus. Kambaniga waxa laga maamulaa
Israa’iil,iyada oo wixii horumarin ahna lagu qabto Beelaruus,si shaqaale jaban
loogu helo,waxaanu kambanigu xarumo horumarineed ku leeyahay Israa’iil iyo
Beelaruus.
Qaabka Isticmaalka Faybarka
Faybarka
waxa laga helaa (diyaar ku yahay) barnaamijka Mac ee ay Apple
leedahay,Android-ka Google-ka,Blackberry OS, iOS, Nookiya Series 40, Symbian,
Bada (Samsung), Windows Phone iyo Microsoft Windows.Waxa kale oo laga helaa oo
uu diyaar ku yahay 64-bit Linux version noocayadiisa Debian iyo Ubuntu.
Waxaad marka hore u baahan tahay inaad ku
shubto mobilkaaga barnaamijka ,dabeeto waad isticmaalaysaa addeegga oo bilaash
ah.
Faybarku waxa uu ku shaqeeyaa Third
Generation(3G), Fourth Generation (4G) iyo Wireless Fidelity (Wifi).Faybarka
waxa isticmaaala 100 malyuun bishii oo si joogta ah ugu xidhan,waxaase ka
diwaangeshan 280 malyuun oo isticmaale ah dhammaan daafaha caalamka.[i]
Marxaladihii
uu Faybarku soo maray
Markii
hore codka la dirayaa waxa uu diyaar ku ahaa iPhone iyo Android oo
kaliya,waxaana uu Faybarku ballan qaaday inuu ku dari doono codka Bada (Samsung),
Symbian iyo Windows Phone,waxaanu se xusin inuu ku dari doono Nookiya Series 40
iyo Blackberry.Sababta waxa loo aanaynayay Blackberry-ga iyo Nookiya Series 40
oo aan ku shaqaynayn Voice over IP (VoIP)-ga.
Bishii
Sebtember 22keedii, sannadkii 2012kii, tilifoonada tayada sare leh
(Smartphones) ayaa lagu soo daray in lagu isticmaali karo Windows Phone,laakiin
waxa loogu talagalay macaamiisha Nookiya oo kaliya, kadib markii uu heshiis la
galay Nookiya, Faybarka waxa lagu isticmaalay dhammaan qalabka windows-ka oo
dhan 2dii bishii abriil ee sannadkii 2013kii.
Khatarihii Faybarka soo waajahay:
Bishii
Julaay 24keedii sannadkii 2013kii ayaa koox ka tirsan qaybta elektarooniga ee
ciidamada Suuriya u dhaceen nidaamka
(System-ka) Faybarka laakiin, sida uu sheegay Faybarku xog muhiim ah oo
isticmaalayaasha ah lama dhaawicin.
Ammaanka Faybarka
Bishii noofambar ee
sannadkii 2014kii, Faybarku waxa uu ku guulaystay tijaabo ay ku samaysay
Electronic Frontier Foundation oo ah fayaqabka dhanka fariimaha,laakiin waxa uu
Faybarku lumiyay tijaabo lagu sameeyey xagga isgaadhsiinta oo aan qarinin
(Encrypt) qoraalkaa ama codka.Dhanka kale isticmaalayaashu ma xaqiijin karaan
qofka ay la hadlayaan fariimaha, gudbayaana maaha qaar badqabkooda la isku
lahayn karo, haddii furaha qarsoodiga (Encryption key2) la
xado.Soomaali badan may isticmaaleen Faybarka hadday oggaanlahaayeen in laga
maamulo Israa’iil oo ay Yuhuud leedahay barnaamijka Faybarka, inkasta oo ay
qaar badan dantooda ka raaci lahaayeen.
Waxa kale oo xusid mudan
inaanay Soomaalidu hiddo iyo soo jireen midna u lahayn wax qarinta iyo sirta oo
meel kasta oo ay joogaan dunida ay yihiin dad hadal badan, sirtooda inay
xafidaana ay ku adag tahay.
Marka
loo kuurgalo ammaanka Faybarku maaha mid la isku halayn karo oo u damaanad
qaadaya macaamiishiisa inay kalsooni badan ku qabi karaan, waxay se macaamiishu
eegayaan oo kaliya addeegga tilifoonka ah ee bilaashka ah oo ay kaga maarmaan lacagta tilifoonka.
Addeegyadda Cusub ee Faybarka
Addeegyada
cusub ee lagu soo daro Faybarku waxay ku kala duwan yihiin noocyadda
barnaamijyada iyo tilifoonada,waxaana marka u horaysa addeegga cusub uu soo
gaadhaa (hela) iOS iyo Andriod.Faybarka waxa uu kusoo daray addeeg fariimo
qoraal ah, sawiro iyo muuqaal dhammaan moobilada.Waxa kale oo diyaar ay ku
tahay Faybarka codka tilifoonka wataa (leh)
iPhone,Andriod iyo Microsoft qaybtiisa Windows Phone.Faybarku waxa uu u
saamaxayaa macaamiishiisa qayb fariimaha ah,qayb tilifoonadii u dambeeyey
ah,qayb liista asxaabta ugu jirta ah, qayb furehayeen ah iyo badhan tilmaamaya
waxyaaba kale (more aptions).
Hawl fududayn
Marka uu ku shubo macmiilku addeegga Faybarka,
waxa uu u samaynayaa akoon macmiilka, isaga oo isticmaalaya lambarka tilifoonka uu
isku diwaangeliyo.Macmiilku uma baahna inuu samaysto buug gaar ah oo uu ku
kaydsado asxaabta ugu jirta, maadaama oo
uu Faybarku isticmaalayo lambarada ugu jira tilifooonka macmiilka. Noocii u
dambeeyey ee Faybarka waxa uu marayaa 2.3 loo yaqaan.
W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)
Tix-raac:
·
Cabdiraxman C. Faarax “Barwaaqo” 2007, Hal-bixinta Ereyada Kumbuyuutarka, Canada,
Hal-aqoon Publishers.
·
Viber Media S.à r.l. (2014-12-18). "Viber
- Android Apps on Google Play". Google Play. Google. Retrieved
2015-04-13.
·
Viber
Media, Inc (2015-01-04). "Viber On the App
Store on iTunes". App Store. Apple. Retrieved 2015-04-13.
·
Viber Media
(2013-11-19). "BlackBerry World -
Viber". BlackBerry App World. Research In Motion (RIM). Retrieved 2014-04-20.

No comments:
Post a Comment