Sunday, March 27, 2016

Gabay: Saaxiibtinimada Suldaan

Waa gabay aan u tiriyay kuna maamuusay saaxiibkay Axmed Cilmi Suldaan Seed,  aniga oo ku sifeeyey sida aanu iskugu dheer nahay iyo saaxiibtinimada xeesha dheer ee naga dhaxaysa.Waxaan tilmaamay sida mid ba mid ka kale uu u taageeri jiray ee talo iyo tusaalaba ula garab taagnaa habeen iyo dharaar.
Waxaan ku bilaabay:
1.     Saaxiibtinimada Suldaan waa mid aan salguurayne
2.     Sir weey dahsoonoo waa xaajo aan la saafayne
3.     Saadaal ruuxa ku qiimeeyaa waa mid aanu sifaynayne
4.     Sibiq kuma dhalanine waxay ahayd mid soo jireenee
5.     Saakoon cirroobay iyo ilaa sabinimadaydii
6.     Sidig baanu ahayn iyo laba aan la kala soocine
7.     Markuu mid simbiriraxooduu ka kale saacidi jiraye
8.     Taladoo sirgacantayoo misna sinna balaadhnaatay
9.     Sargoynteeduu lahaayoo caaddilku uu siiyee
10.  Samaheeduu la gaar ahaayoo ciddi aanay la sinnayne
11.  Dano kuma sallaysnayn iyo sad aanu kala roonayne
12.  Saadambaad ka heli ee sooryee xaalku ma ahayne
13.  Nafta uun ku sabaalee oo saacadda isku dhaafi
14.  Seeto dheer iyo may ahayn surin aan la dhaafayne
15.    Sir qarsoon iyo may ahayn dantaada uun ku salleeye
16.   Saaxiibtinimo guunnoo waxay ahayd loo sahan tahay!


Waxaan tiriyay aniga (Aareeye) oo jooga Hargeysa taariikhu markay ahayd 20kii Ogosto, sannadkan 2015kii, habeen Khamiis ah. Gabaygan waxay maskaxdu soo maaxatay xasuuso is biirsaday ka dib iyo sida aan u tebay.Saaxiib kay hadda waxa uu degan yahay waddanka Jarmalka.

No comments:

Post a Comment