Tuesday, March 29, 2016

Faallo Iyo Falanqayn: Maansada Mullax ee Ibraahim Sheekh Saleebaan (Gadhle) W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye).

Maansada Mullaax ee uu tiriyay Ibraahim Sheekh Saleebaan oo Ibraahim-Gadhle lagu naanaysi jiray waa maanso farshanimadeeda aad ku indha-daraandarrayso sida cajiibka ah ee uu abwaanku u sawiray dhamaan adduunka oo dhan.
Waxa uu ku bilaabayaa mahadnaqa alle iyo rasuulkeeniii suubbanaa (nnkh). Tuducaa koobsanaya intaaba ayuu ku furayaa maansada. Sida caadada ah waa ta duco la akhriyo marka hadal la bilaabayo, maansaduna kama duwana oo Ibraahim-Gadhle farshaxanimadiisa iyo afka hodanka uu ku ahaa ayaa u sahashay inuu tuducan ku bilaabo. Haddii aan soo qaadano tuducaa ugu horeeya waxa uu abwaanku yidhi:

Alle mahadnaqiisiyo,
Madxigii rasuulkiyo,
Madal baan ku furayaa,
Maanso gabay mullaaxdeed,
Miiraale roob iyo
Mayay da’ay hillaacii,
Millateri dagaalkii,
Nin mirqaamay dhurankii,


Bal u fiirso sifaha cajiibka ah ee intuu u sahan tegay misna u soohay. Waxa uu goob kuwada sheegay oo uu maansada ku masaalay ashyaa aynu si fudud u suurayn karno oo aynu sawiran karno.  Mahadnaqa alle iyo xuska rasuulka ka sakow,wuxu baadi-sooc uga dhigay maansadan mullaax oo ka mid ah maydhaxda qaybta gaarka ah ee laga diiro jillawda. Miiraale roob, mayay da’ay,hillaac wallacda guray habeen dhan,ciidan guluf kiciyay oo meel ku eekeeyay dagaal,nin qayilay waxa laga filli karo oo aynu wada garan karno inuu inta badan mirqaanku dadka in  badan oo ka mid ah tororog iyo hadal aan micno badan lahayn ka keeno.

Ma huraan dhulkaygiyo,
Maatada ka daafaca
Berritiyo mudnaantii.
Ruux macatab qaatiyo,
Ka masaajid ka addimay,
Maalinta qiyaamaha,
Marka mawle la hor tago,
Mid kastaba abaalkii.

Qaybtan soo socota waxa uu ku sawirayaa qiimaha uu qoraalku leeyahay,waayo waxaad dhagaysato markaad ka dhaqaaqdo ayaa kuugu dambaysa,haddii se aad gunnudo weligaa iloobi maysid intaad nooshahay. Wixii la qoraa kayd ayuu leeyahay.

Dhegtu sheeko madaleed,
Wax miidaanka laga yidhi,
Waa intay ka maqashaa.

Waxa uu sharraxayaa doorkay dumarku ku leeyihiin bulshadda dhexdeeda gaar ahaan wakhtigii miyiga la joogay oo ay colaaddaha waxyaabaha hurriya laba ku ahaayeen, marka geella kala reebo,sida uu Hurre Walanwal laftiisu iisheegay mar aan suugaanta kawaraystay sannadkii hore ee 2015kii  oo aan magaaladda Hargeysa kula kulmay. Waxa uu ii sheegay Hurre inay geella, dumarka iyo ceelashu ay dagaaladda hurrin jireen berisamaad. Waxa kale oo uu ishaarayaa abwaanku inay macallimiintu doorka barida diinta ku hawlanaayeen oo ay halkaa ku beegnaayeen, malahayga waxa uu sawirayaa musheekh la qawaday.

Goormay marwadu garan,
Mus-dambeedka reerkiyo,
Inay tahay miscirirtii,
Muusannowga dirirtana,
Meeris ay ku leedahay!
Goormay musheekhdiyo,
Garan macallimiintuna,
Aayadii madiiniyo,
Maka lagu xorayn jiray,
Inay noo micneeyaan!

Kursi jacaylka,isku dhejinta, xil maroorsiga iyo madax adayga afrikaanka qayrkood ka reebay ayuu si cajiib ah usheegayaa abwaanku. Bal waxaad maskaxdaada ka baadhaa inta hogaamiye xil isku dhejinayay ee loogu caal-waayay inuu ummadda xilkeedii usoo celiyo.

Goormuu mas’uul garan,
Xilka uu mahoobiyay,
Miisaanku leeyahay!
Kursigiyo martabaduna,
Meerto inay ku roon yiin!

Haddii qof uu kuu shaxaad yimaado sida in badan bulshada dhexdeeda ka dhacda ama qof baahan uu wax kusoo biddo,bishu ha dhamaato iyo berri ii kaalay ha ku maaweeline,waxaad heli karayso u dhiib isla markaaba. Haddaanad awoodin ha meer-meerin ee qanci judhaaba.

Nin muraad ku soo biday,
Ama maalin dhereg raba,
Maya waa u furantee,
Meer-meershe waa doqon.

Haddii alle quwan iyo awood ku siiyo waa inaanad cidda kuugu dhaw ku tijaabin ee aad cadawgaaga iyo ciddaada kala garataa. Muruqaaga markaad eegto haddaad walaalkaa ku tijaabiso waa masiibo inteeda leeg. Bal u fiirso siduu abwaan Gadhle (AHUN) uu sawir cajiib ah uga bixiyay waxa bulshooyinka soomaalida haysta maanta ee ay iyagii si bixin la’yihiin.

Midigtaadu yay noqon,
Mid tolkeed u muruq weyn,
Murjinkaagu yuu noqon,
Magli dila walaalkii.

Sharafta inaad ilaashataa waa muhiim. Bal kawaran haddaad dhadhama raac noqoto,sida maanta loo badan yahay. Hadba nin muraad leh haddaad iska daba gasho waad bahadilmaysaa oo cid dambe na ku aamini mayso. Dhuuni-raac marna inaanad noqon ayuu abwaanku si xeeldheer u sheegayaa oo farshaxan ah. Taladu waa muhiim in la rog-rogaa oo aanad masiibo ummadda u horseedin. Tuducyadan soo socda bal dhuux oo dhug u yeelo.

Magacaagu yuu noqon,
Mid xumaan ka marag kaca,
Sida macawisaa qaar ,
Ninba maalin yuu xidhan,
Hadba kii muraaddo leh,
Hawga dhigin maqaar saar,
Mar waxaad dhadhamisiyo,
Mijin qaad ah haw dhiman,
Hana talin masiibiyo,
Wax makhluuqa kala dila.


La soco qaybaha dambe haddii alle idmo.

W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye).

No comments:

Post a Comment