Qaybtii 2aad.
Abwaan Gadhle (AHUN) waxa uu kasii digayay
dhibaatada maanta taagan ee ah in kolba koox dan gaar ah leh intay waxogaa u
dhiibto odayaal ay odhan doonto muuq-baahiyayaasha iyo wergaysyada ka hadla oo taageeradiina noo muujiya. Wuxuu yidhi:
Maskaxdaadu yay noqon,
Maqal lagula leeyahay,
Yaan toban muftaax iyo,
Lagu furan masaabiir.
Haddaan tagtada wax
laga taransan,timaatidana laga tabaabulshaysan waa lagu tasoobaa. Taariikhda
wax baa laga bartaa si jidkii lagu hoobtayna looga fogaado, kii lagu
badhaadayna la qaado. Bal u fiirso tuducyadan oo socda.
Waxaad shalayto mudatiyo,
Ma-hadhada xusuusnow,
Halkii qorigu kaa muday,
Mar labaad lugtaadiyo,
Yaan cagtaadu kula marin.
Qofku haddii aanu
dantiisa ka adkaan, tu kale kuma dari karo oo waata hore loo yidhi”tiisaba daryeelaa tu kale ku dara”.
Tuducyadan abwaanku wuxuu kula dardaarmayaa bulshada inay dantooda raacdaan oo
aanay wakhtiga iska lumin. Odoroska iyo faallaynta mustaqbalku waa muhiim oo
waa inaad kasii tabaabulshaysataa timmaatidda. Sidan ayuu u cabbiray abwaanku:
Maantiyo dantaadiyo,
Yaan miridhku kaa lumin,
Maalmaha dambeeyiyo
Waxa maqanna faalleee.
Eebbe ummaddiisa haynta isku mid kamuu
dhigin oo qaarna waa sabool, in kalana waa maal-qabeenno. Haddaba haddii alle
wax ku siiyay waa inaad ka fiirsataa waxaad bixinaysaa halka uu ku baxayo,inay
tahay sidii saxda ahayd iyo in kale. Sadaqada na waa inaad bixisaa oo adduunku
waa maalmee intaad wax haysto wax kala bax. Berri ayay kaa dhamaan kartaaye.
Maalkaagu yuu noqon,
Mus-dambeedka reerkiyo,
Maqsinkaad u hoyatiyo,
Masallaha Rasuulkiyo,
Ku masaajid lagu gubo.
Moodkiyo adduunkuna,
Waa maax gudhaysee,
Inta aanay kaa madhan,
Ma-hurraan sabooliyo,
Ha ka qadin masaakiin.
Neef muquunadii iyo
Sekadana ha maanicin.
Diinteena islaamka ah
ee suubban ayaa inna faraysa inaynu ka fiirsano waxaynu qabanayno oo aan
malle-awaal iyo kutidhi-ku-teen lagu go’aan qaadan. Cirdiga iyo sharafka qofka
diintu meel adag ayay dhigtay oo waa in la ilaaliyo qofka sharafkiisa. Waa tan
faalladiii Ibraahim-Gadhle:
Muhmal laguma guuree,
Maan fayow ha ceebayn,
Ha mar-marin waxaan jirin.
Maamuuska sharaftana,
Ka ilaali meydhaan.
Miyirkiyo hubsiimadu,
Maro weeyi la huwado.
Haddii walaalkaa hantiile yahay, adna sabool
tahay waa inaanad ka xumaan ee aad u hambalyaysaa. Haddaad xiqdi iyo xaasid
kula kacdo oo aad il gaar ah ku eegto,adna waxba faa’iidi maysid, isagana
(walaalkaa) xumaan iyo calool-xumo ayaad kala kulmi.
Murdisiyo walaalkaa,
Hadduu miiq ku dheer yahay,
Yaan masayrku kugu dirin.
Maansadan mullaax iyo maansooyin
kale oo Ibraahim Sheekh Saleebaan ba waxaad ka akhrisan kartaa Mullaax: Maansaddii iyo Maalmihii Ibraahim Sheekh Saleebaan
ee ay wada qoreen Boobe Yuusuf Ducaale iyo Ibraahim X Muuse Wacays.
Dhamaad.
W/Q:
Sacad Maxamed Xasan (Aareeye).
Tix-raac:
Mullaax:
Maansaddii iyo Maalmihii Ibraahim Sheekh Saleebaan ee ay wada qoreen
1. Boobe
Yuusuf Ducaale iyo Ibraahim X Muuse Wacays.
2. Bahda Tix-Maal: Muuqaal uu duubtay teleshanka
Jabbuuti oo uu Ibraahim Sheekh Saleebaan (Gadhle) kaga waramo maansadda Mullaax.
No comments:
Post a Comment