Waa dood wadaag dhexmartay doob iyo gashaanti.Waxaan qoray 29kii Diisambar, sannadkii 2012kii.Waxa ay ka hadlaysaa Doob iyo Gashaanti meel fagaare ah inta loo goleeyey aan waxba iskula hadhin iyaga oo taageero sacab iyo sawaxanba leh ka helaya dhinacyada ay kala matalayaan.Tartanku waa dood aan deel-qaaf lahayn.Cidna laguma duudsiinayo!
Doodu waa qaab suugaaneed aniga oo ku ladhay dhextaal,si aan idiinka badhxo
Gashaantida ayaa dooda ku hormartay waxaanay tidhi: