Tuesday, February 10, 2015

Ma Digriiga Madhanee,Isku Qaba Diktoorkaa!

Tuducan aan cinwaanka ka dhigay waxa uu ku jiraa gabay uu leeyahay abwaanka weyn ee Xasan Xaaji Cabdilaahi “Ganey”waxaanu ka hadlayaa aqoonyahan cilmigiisa mugdi badan ku jiro,kalsooni badana aan lagu qabin.Waxa maanta taas la mid ah aqoonyahanka tira dhaafay ee Somaliland sannad kasta soo qalin jabiya.
Tobankii sannadood ee la soo dhaafay Somaliland waxa wax bartay arday aad u tiro badan,