Tuesday, January 20, 2015

Waan Arkee, Maan Akhriyin!

Maqaalkan waxa igu kalifay su’aal in badan igu soo noq-noqotay,dareenna igu abuurtay taasi oo la xidhiidha qoraalka iyo akhrintiisa.Maqaalo la sheego ma qoro ee mar mar ayaan mareegaha ku qoraa wax aan sidaas u sii badnayn, kuwaasi oo haddana in badan asxaabtaydu i waydiiso.Su’aasha ugu badana waata keentay inaan maqaalkan ka qoro.
Su’aashu waxa weeyi,asxaabta qaar ka mid ah ayaa arkaya maqaal aan qoray,markaasi ayuu kaaga waramayaa oo uu ku odhanayaa; maqaal aad leedahay ayaan arkay.Markaan waydiiyo muxuu ku saabsanaa ama ka waran dareen celintaada, ayuu haddana kuugu

Sunday, January 18, 2015

Qaybtii 2aad "Doob iyo Gashaanti Dahab ku Tartamay"


Markii ay gashaantidii intaa tidhi ayuu Doobkii hadalka qaatay oo uu u jawaabayaaa gashaantida,isaga oo difaacaya Doobka iskana indha-tiraya inuu jiraba nin ay dumarku dhaamaan.

Doobkaa hadalka qaatoo
Wuxuu yidhi dadkii hore;
Dumarku way xishoon jireen
Hadday gaajo dilaysoo
Haraad uu daashado
Lagama dareemayn.
Wadcigaa is doorshoo
Hadba dhinac u duuree
Kuwan dunida xulayee
Diintii islaamkiyo
Wixii dhaqanku diidayay