Tuesday, May 3, 2016

Gar-naqsiga Ogsoonow! Waxa tiriyay: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)

Waa maanso ka hadlaysa,diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee gobolka Maroodi-jeex ka socota, xildhibaanada soo socda iyo kuwa ku habboon. Xalay (03/05/2016) oo Salaasa ahayd ayaan tiriyay. Faalladu waa xaggiina. Waxaan ku bilaabay:

Wakhtigu waa gabaabsiye,
Tiradu yaanay kaa degman,
Wixii aad gocan lahayd,
Eed gaddaal ka baran lahayd,
Hadday kula gudboon tahay,
Go’aan inaad ka gaadhee,
Garashada adeegsoo,
Goobaha iska xaadiri.

Mutacallin aad garanayso,
Meelahaa ha guuxine,
Waajibkaaga gara oo,
Gacantaada ugu hiili,
Wakhtigaaga gelin sii,
Goobaha iska xaadiri,