Maansada Mullaax ee uu tiriyay Ibraahim Sheekh
Saleebaan oo Ibraahim-Gadhle lagu naanaysi jiray waa maanso farshanimadeeda aad
ku indha-daraandarrayso sida cajiibka ah ee uu abwaanku u sawiray dhamaan
adduunka oo dhan.
Waxa uu ku bilaabayaa mahadnaqa alle iyo
rasuulkeeniii suubbanaa (nnkh). Tuducaa koobsanaya intaaba ayuu ku furayaa
maansada. Sida caadada ah waa ta duco la akhriyo marka hadal la bilaabayo, maansaduna
kama duwana oo Ibraahim-Gadhle farshaxanimadiisa iyo afka hodanka uu ku ahaa
ayaa u sahashay inuu tuducan ku bilaabo. Haddii aan soo qaadano tuducaa ugu
horeeya waxa uu abwaanku yidhi:
Alle mahadnaqiisiyo,
Madxigii rasuulkiyo,
Madal baan ku furayaa,
Maanso gabay mullaaxdeed,
Miiraale roob iyo
Mayay da’ay hillaacii,
Millateri dagaalkii,
Nin mirqaamay dhurankii,