Iibsashaddii Facebook-ga ee WhatsApp-ka
Bishii feebarweri 19keedii sannadkii 2014kii, dhawr
bilood oo ay maalgelinayeen shirkaddo kale ka dib, Facebook-ga ayaa ku
dhawaaqay inuu ku iibsaday WhatsApp-ka lacag dhan $ 19 bilyan oo doolar,taasi
oo noqonaysa lacagtii ugu badnayd ee Facebook-gu wax ku iibsado. Facebook-gu
waxa uu bixiyay $ 4 bilyan oo kaash ah, $ 12 bilyan oo saami Facebook-ga ah iyo
3 bilyan oo loo qoondeeyey aasaasayaasha WhatsApp-ka oo kala ah Jan Koum iyo
Acton.
Markii lagu dhawaaqay kala iibsiga WhatsApp-ka
maalmo ka dib,macaamiisha WhatsApp-ku waxay waayeen adeeggii WhatsAppk-ka, sababo
farsamo awgeed taasi oo sababtay cadho loo qaaday boggan bulshadu ku xidhiidho.
Saddex bilood ka dib markii uu Facebook-gu ku
dhawaaqay inuu WhatsApp iibsaday, ayaa Koum sheegay in ay ka shaqaynayaan inay
kusoo kordhinayaan wicitaan cod ah (Voice Calling) bilaha soo socda.
Xannibaadii
WhatsApp-ka
Bishii May 9keedii, sannadkii 2014kii ayay dawladda
Iiraan ku dhawaaqday inay ka xannibtay isticmaalka WhatsApp-ka muwaadiniinta
Iiraan. Sababta waxay dawladda Iiraan ku sheegtay in aasaasaha Facebook-ga Mark Zuckerberg uu
yahay muwaadin Maraykan ah oo yuhuudi ah.
Madaxweynaha Iiraan Xasan Rooxaani ayaa ku celceliyay in
WhatsApp-ka laga qaado xayiraadda.
Bishii
diisambar ee sannadkii 2015kii, shirkaddaha bixiya addeegga moobiladda ee
waddanka Baraasiil ayaa lagu amray inay WhatsApp-ka joojiyay muddo 48 saacadood
ah. Xannibaada waxa la soo rogay ka dib markii WhatsApp-ku uu ku
guul-darraystay inuu la shaqeeyo maxkamadda dambiyadda ee waddanka Baraasiil. Subixii dambe ayuu xaakin
ka tirsan maxkamadda rafcaanku amray in
laga qaado xannibaada WhatsApp-ka,isaga oo ku taliyay in la ganaaxo halkii laga
xidhi lahaa adeegga.
WhatsApp-ka oo
khidmadii ka daayay macaamiishiisa.
Bishii Jeenaweri,sannadkan 2016ka ayaa aasaasaha
WhatsApp-ka Jan Koum ku dhawaaqay in aan WhatsApp-ku khidmad ahaan uga qaadayn macaamiishiisa $ 1
doolar sanndkii, si ay ugu fududeeyaan macaamiishooda oo ay qaar kala kulmayeen
caqabad xagga bixinta ah, maadaama aanay lahayn Credit Card. Waddamada
caqabadan la kulmay waxa safka hore kaga jira waddamada caalamka koowaad ee aan
lahayn adeegyadda casriga ah.
Moobiladdii
ugu horeeyey ee WhatsApp-ka ku shaqeeya
Bishii noofambar sannadkii 2007dii ayuu WhatsApp-ku
bilaabay inuu ku shaqeeyo iPhone, halka Jeenaweri 2010kii uu WhatsApp lagu soo
kordhiyay Blackberry nooca loo yaqaan Caaqilka (Smartphones).
Bilihii May iyo ogosto ee sannadkii 2010kii ayaa
Symbian OS iyo Android OS lagu soo daray WhatsApp siday u kala horeeyaan.
Bishii ogosto ee sannadkii kaa xigay ayaa tilifoonada aan caaqilka ahayn ee OS
Series 40 ayaa lagu soo daray. Bil ka dib ayaa Windows Phone iyo Blackberry 10 iyagana lagu soo kordhiyay WhatsApp-ka.
Moobilka ugu da’da weyn ee ku shaqeeya
WhatsApp-ka
Qalabka
(Moobilka) ugu da’da weyn ee ku shaqeeya WhatsApp-ku waa Symbian Nokia N95 oo
la soo saaray bishii maarj ee sannadkii 2007dii.
Moobilada
labada kaadh leh iyo WhatsApp-ka
Moobiladda labada kaadh leh qaarkood
ayaa laga yaabaa inaanay ku shaqayn WhatsApp-ka. Bishii Jeenaweri,sannadkii
2015kii,WhatsApp-ku wuxuu soo saaray wicitaan cod ah (Voice Calling),arrintaasi
waxay soo jiidatay macaamiil cusub oo WhatsApp-ka kusoo biiray.
Amniga (Faya-qabka) xogta ee WhatsApp-ka
Guud ahaan waxa aad looga dayrinayaa inay liidato
dhanka amniga ama faya-qabka xogta iskaga gudbaysa ama ay is dhaafsanayaan
macaamiisha WhatsApp-ku oo tayadu ma fiicna. WhatsApp-ku arrinta amniga xoogga
ma saarin oo waxay kala kulmayaan dhaleecayn xoogan. Kuma koobna WhatsApp-ka oo
kaliya ee baraha bulshadu ku xidhiidhto oo dhan ayaa ka siman inay liidato
ammaanka macaamiisha. Waxa arrintan kala siman Viber-ka oo isaga laftiisa aad
loogu dhaleecaynayo.
Bishii Maarj ee sannadkii 2013kii, koomishanka
tiknoolajiyadda iyo isgaadhsiinta ee Sacuudi Carabiya ayaa soo saaray qoraal ay
kaga fekerayaan suurtagalnimadda inay xannibaan WhatsApp-ka,haddii aanay u
hogaansamin dabagalka iyo xeerarka ilaalinaya xuquuqda muwaadinka ee dhanka
arrimaha gaarka ah. Bishii feebarweri ee
sannadkii 2014kii, waaxda arrimaha bulshadda ee gobolka Schleswig-Holstein oo
ka tirsan waddanka Jarmalka ayaa uga digay muwaadiniintooda inay isticmaalaan
WhatsApp-ka,sababta oo ah waxa aad u liita ayay yidhaahdeen ammaanka iyo
ilaalinta xogta la dirayo ama la helayo.
WhatsApp-ku wuxuu hirgeliyay inuu ilaaliyo oo xafido xogta la dirayo iyo
ta la helayo dabayaaqadii sannadkii 2014kii,waxaanu dhameeyey arrintaa oo si
rasmi ah u hirgeliyay bishii abriil ee sannadkan 2016ka.
Dabayaaqadii sannadkii 2014kii, Indrajeet Bhuyan iyo
Sauray Kar oo labaduba 17jir ah ayaa soo bandhigay sida WhatsApp-ku uu ugu
nugul yahay in si fudud loo fadhiisin karo. Waxay sheegeen in haddii fariin 2Kb
ah loo diro macmiilka oo uu furo,ay fadhiisinayo dhamaan akoonkiisa.
Macaamiishu si ay arrintaa uga samata-baxaan waa
inay tirtiraan guud ahaan ba
wadasheekaysigooda, oo ay bilaabaan mid cusub. Sidaana waxa kaga lumaya
qoraaladii hore.
Kusoo
kordhintii Dhukumentiga
Labadii Maarj ee sannadkan 2016ka,
WhatsApp-ku wuxuu soo kordhiyay in dhokumentiyo
ay wadaagi karaan macaamiisha WhatsApp-ku, gaar ahaan faylasha loo
yaqaan Portable Document Format (PDF).arrintaasi waxay saamaxday in waraaqo
Portable Document Format (PDF) ah la isku diro oo ay ardayda iyo
macallimiintu casharada si fudud la
iskugu gudbin karaan. Ganacsiga oo markii hore sawir ahaan u qaadi jiray
waraaqaha PDF ka ah ayaa hadda si toos ah u dira oo u isticmaala qaabkan cusub ee uu soo
kordhiyay WhatsApp-ku.
Tartanka uu ku
jiro WhatsApp-ku
WhatsApp-ku wuxuu tartan kula jiraa dhawr
shirkaddood oo addeegga fariimaha bixiya oo ka jira Aasiya,sida WeChat oo ay macaamiishiisu dhan yihiin 468
milyan, Viber-ka oo leh 209 milyan, iyo LINE oo isna haysta 170 milyan oo
macaamiil ah. WhatsApp-ku wuxuu maamulayay 10 bilyan oo fariimood maalin kasta,
bishii Ogosto ee sannadkii 2012kii,halka uu ka maamulayay 2 bilyan oo fariimood
bishii Abriil ee isla sannadkaa. 1 bilyan oo fariimood ayuu dirayay sannadkii
kaa ka horeeyey. whatsApp-ku wuxuu ku dhawaaqay inay gaadheen rikoodh cusub oo
ah 27 bilyan oo fariimood bishii Juun ee sannadkii 2013kii. Sida ay qortay
jariiradda Financial Times, WhatsApp-ku wuxu diraa fariimo gaagaaban (SMS) oo
dhanka moobiladda ah,waa adeegga uu Skype siiyo wicitaanka caalamiga ah.
Tix-raac:
1.
Jump up^ WhatsApp Inc.
(n.d.). "WhatsApp for Android". WhatsApp.com. WhatsApp
Inc. Retrieved 6 April 2016.
2.
Jump up^ WhatsApp Inc. (3 March
2016). "WhatsApp Messenger". BlackBerry World.
BlackBerry. Retrieved 12 April 2016.
3.
Jump up^ WhatsApp Inc.
(n.d.). "WhatsApp for Nokia
S60". WhatsApp.com. WhatsApp Inc. Retrieved 12
April 2016.
5.
^ Jump up to:a b c d Statt, Nick (1 February
2016). "WhatsApp has grown to 1
billion users". The Verge. Vox Media.
Retrieved 6 April 2016.
7.
Jump up^ Lomas, Natasha (5 April
2016). "WhatsApp completes
end-to-end encryption rollout".TechCrunch. AOL Inc.
Retrieved 5 April 2016.
