Tuesday, August 11, 2015

Sooyaalka Faybarka W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)

Faybarku waa qaab farriimo degdeg ah iyo VoIP1 oo ku sallaysan internet-ka kaasi oo loogu talagalay tilifoonadda loo yaqaan smartphones.Faybarka waxa sameeyey ama ikhtiraacay shirkadda Viber Media Messages.Waxa kale oo intaa dheer inay isticmaalayaashu isdhaafsan karaan sawiro,muuqaalo iyo cod dhagaysi ah intaba.
Aasaasayaashii Faybarka
Faybarka waxa aasaasay afar nin oo laba yuhuud yihiin labana Beelaruus ,waxaanay kala ahaayeen Talmon Marco iyo Igor Magazinnik oo ahaa saaxiibbo ka wada tirsan ciidamada difaaaca ee Israa’iil iyo Sani Maroli iyo Ofer Smocha oo u dhashay waddanka