Tuesday, October 3, 2017

Naftu Ma Jecla Kaantaroolka

W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)
Guri ayaanu ku degganayn 12 wiil oo soomaali ah iyo reerkii lahaa, magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Qof kasta furre ayaa la siiyay uu kusoo galo, laakiin waala qufulaa guriga 10:30 habeennimo marka ay gaadho. Habeeno gaar ah ayaa la ogolaa inaad xilli dambe iman karto. Magaaladda ayaanu kala sinnayn arrintan.

Odaygii guriga lahaa soddohdii ayaa dhimatay. Annaga oo ka baqayna in taandho inta laga hor dhiso guriga, toddobaad oohintu is qabsato, ayaa guri kale loo qaaday. Odaygii furrihii ayuu noo dhiibay oo guriga idinka ayaa ka masuul ah ayuu yidhi. Labadii toddobaad ee uu maqnaa, xilliga aanu doono ayaanu soo hoyan karaynay, maadaama aanu furrihii haysano, lkn fiidka ayaanu soo wada hoyanaa, xataa iyada oo aan gaadhin wakhtigii la qufuli jiray. Hadda markii hore ragga qaar habeen walba way habsaami jireen oo waanu u baryi jirnay. NAFTU MA JECLA KAANTAROOLKA.