Qaybtii 2aad.
Abwaan Gadhle (AHUN) waxa uu kasii digayay
dhibaatada maanta taagan ee ah in kolba koox dan gaar ah leh intay waxogaa u
dhiibto odayaal ay odhan doonto muuq-baahiyayaasha iyo wergaysyada ka hadla oo taageeradiina noo muujiya. Wuxuu yidhi:
Maskaxdaadu yay noqon,
Maqal lagula leeyahay,
Yaan toban muftaax iyo,
Lagu furan masaabiir.