Sunday, June 5, 2016

Sooyaalka WhatsApp-ka W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye) Qaybtii 2aad

Iibsashaddii  Facebook-ga ee WhatsApp-ka
Bishii feebarweri 19keedii sannadkii 2014kii, dhawr bilood oo ay maalgelinayeen shirkaddo kale ka dib, Facebook-ga ayaa ku dhawaaqay inuu ku iibsaday WhatsApp-ka lacag dhan $ 19 bilyan oo doolar,taasi oo noqonaysa lacagtii ugu badnayd ee Facebook-gu wax ku iibsado. Facebook-gu waxa uu bixiyay $ 4 bilyan oo kaash ah, $ 12 bilyan oo saami Facebook-ga ah iyo 3 bilyan oo loo qoondeeyey aasaasayaasha WhatsApp-ka oo kala ah Jan Koum iyo Acton.
Markii lagu dhawaaqay kala iibsiga WhatsApp-ka maalmo ka dib,macaamiisha WhatsApp-ku waxay waayeen adeeggii WhatsAppk-ka, sababo farsamo awgeed taasi oo sababtay cadho loo qaaday boggan bulshadu ku xidhiidho.
Saddex bilood ka dib markii uu Facebook-gu ku dhawaaqay inuu WhatsApp iibsaday, ayaa Koum sheegay in ay ka shaqaynayaan inay kusoo kordhinayaan wicitaan cod ah (Voice Calling) bilaha soo socda.
Xannibaadii WhatsApp-ka
Bishii May 9keedii, sannadkii 2014kii ayay dawladda Iiraan ku dhawaaqday inay ka xannibtay isticmaalka WhatsApp-ka muwaadiniinta Iiraan. Sababta waxay dawladda Iiraan ku sheegtay  in aasaasaha Facebook-ga Mark Zuckerberg uu yahay muwaadin Maraykan ah oo yuhuudi ah.  Madaxweynaha Iiraan Xasan Rooxaani ayaa ku celceliyay in WhatsApp-ka  laga qaado xayiraadda.
Bishii diisambar ee sannadkii 2015kii, shirkaddaha bixiya addeegga moobiladda ee waddanka Baraasiil ayaa lagu amray inay WhatsApp-ka joojiyay muddo 48 saacadood ah. Xannibaada waxa la soo rogay ka dib markii WhatsApp-ku uu ku guul-darraystay inuu la shaqeeyo maxkamadda dambiyadda ee  waddanka Baraasiil. Subixii dambe ayuu xaakin ka tirsan maxkamadda rafcaanku  amray in laga qaado xannibaada WhatsApp-ka,isaga oo ku taliyay in la ganaaxo halkii laga xidhi lahaa adeegga.
WhatsApp-ka oo khidmadii ka daayay macaamiishiisa.
Bishii Jeenaweri,sannadkan 2016ka ayaa aasaasaha WhatsApp-ka Jan Koum ku dhawaaqay in aan WhatsApp-ku  khidmad ahaan uga qaadayn macaamiishiisa $ 1 doolar sanndkii, si ay ugu fududeeyaan macaamiishooda oo ay qaar kala kulmayeen caqabad xagga bixinta ah, maadaama aanay lahayn Credit Card. Waddamada caqabadan la kulmay waxa safka hore kaga jira waddamada caalamka koowaad ee aan lahayn adeegyadda casriga ah.
Moobiladdii ugu horeeyey ee WhatsApp-ka ku shaqeeya
Bishii noofambar sannadkii 2007dii ayuu WhatsApp-ku bilaabay inuu ku shaqeeyo iPhone, halka Jeenaweri 2010kii uu WhatsApp lagu soo kordhiyay Blackberry nooca loo yaqaan Caaqilka (Smartphones).
Bilihii May iyo ogosto ee sannadkii 2010kii ayaa Symbian OS iyo Android OS lagu soo daray WhatsApp siday u kala horeeyaan. Bishii ogosto ee sannadkii kaa xigay ayaa tilifoonada aan caaqilka ahayn ee OS Series 40 ayaa lagu soo daray. Bil ka dib ayaa Windows Phone iyo Blackberry 10  iyagana lagu soo kordhiyay WhatsApp-ka.
Moobilka ugu da’da weyn ee ku shaqeeya WhatsApp-ka
Qalabka (Moobilka) ugu da’da weyn ee ku shaqeeya WhatsApp-ku waa Symbian Nokia N95 oo la soo saaray bishii maarj ee sannadkii 2007dii.
Moobilada labada kaadh  leh iyo WhatsApp-ka
Moobiladda labada kaadh leh qaarkood ayaa laga yaabaa inaanay ku shaqayn WhatsApp-ka. Bishii Jeenaweri,sannadkii 2015kii,WhatsApp-ku wuxuu soo saaray wicitaan cod ah (Voice Calling),arrintaasi waxay soo jiidatay macaamiil cusub oo WhatsApp-ka kusoo biiray.
Amniga (Faya-qabka) xogta ee WhatsApp-ka
Guud ahaan waxa aad looga dayrinayaa inay liidato dhanka amniga ama faya-qabka xogta iskaga gudbaysa ama ay is dhaafsanayaan macaamiisha WhatsApp-ku oo tayadu ma fiicna. WhatsApp-ku arrinta amniga xoogga ma saarin oo waxay kala kulmayaan dhaleecayn xoogan. Kuma koobna WhatsApp-ka oo kaliya ee baraha bulshadu ku xidhiidhto oo dhan ayaa ka siman inay liidato ammaanka macaamiisha. Waxa arrintan kala siman Viber-ka oo isaga laftiisa aad loogu dhaleecaynayo.
Bishii Maarj ee sannadkii 2013kii, koomishanka tiknoolajiyadda iyo isgaadhsiinta ee Sacuudi Carabiya ayaa soo saaray qoraal ay kaga fekerayaan suurtagalnimadda inay xannibaan WhatsApp-ka,haddii aanay u hogaansamin dabagalka iyo xeerarka ilaalinaya xuquuqda muwaadinka ee dhanka arrimaha gaarka ah.  Bishii feebarweri ee sannadkii 2014kii, waaxda arrimaha bulshadda ee gobolka Schleswig-Holstein oo ka tirsan waddanka Jarmalka ayaa uga digay muwaadiniintooda inay isticmaalaan WhatsApp-ka,sababta oo ah waxa aad u liita ayay yidhaahdeen ammaanka iyo ilaalinta xogta la dirayo ama la helayo.
WhatsApp-ku wuxuu hirgeliyay  inuu ilaaliyo oo xafido xogta la dirayo iyo ta la helayo dabayaaqadii sannadkii 2014kii,waxaanu dhameeyey arrintaa oo si rasmi ah u hirgeliyay bishii abriil ee sannadkan 2016ka.
Dabayaaqadii sannadkii 2014kii, Indrajeet Bhuyan iyo Sauray Kar oo labaduba 17jir ah ayaa soo bandhigay sida WhatsApp-ku uu ugu nugul yahay in si fudud loo fadhiisin karo. Waxay sheegeen in haddii fariin 2Kb ah loo diro macmiilka oo uu furo,ay fadhiisinayo dhamaan akoonkiisa.
Macaamiishu si ay arrintaa uga samata-baxaan waa inay  tirtiraan guud ahaan ba wadasheekaysigooda, oo ay bilaabaan mid cusub. Sidaana waxa kaga lumaya qoraaladii hore.
Kusoo kordhintii Dhukumentiga
Labadii Maarj ee sannadkan 2016ka, WhatsApp-ku wuxuu soo kordhiyay in dhokumentiyo  ay wadaagi karaan macaamiisha WhatsApp-ku, gaar ahaan faylasha loo yaqaan Portable Document Format (PDF).arrintaasi waxay saamaxday in waraaqo Portable Document Format (PDF) ah la isku diro oo ay ardayda iyo macallimiintu  casharada si fudud la iskugu gudbin karaan. Ganacsiga oo markii hore sawir ahaan u qaadi jiray waraaqaha PDF ka ah ayaa hadda si toos ah u dira oo  u isticmaala qaabkan cusub ee uu soo kordhiyay WhatsApp-ku.
Tartanka uu ku jiro WhatsApp-ku
WhatsApp-ku wuxuu tartan kula jiraa dhawr shirkaddood oo addeegga fariimaha bixiya oo ka jira Aasiya,sida  WeChat oo ay macaamiishiisu dhan yihiin 468 milyan, Viber-ka oo leh 209 milyan, iyo LINE oo isna haysta 170 milyan oo macaamiil ah. WhatsApp-ku wuxuu maamulayay 10 bilyan oo fariimood maalin kasta, bishii Ogosto ee sannadkii 2012kii,halka uu ka maamulayay 2 bilyan oo fariimood bishii Abriil ee isla sannadkaa. 1 bilyan oo fariimood ayuu dirayay sannadkii kaa ka horeeyey. whatsApp-ku wuxuu ku dhawaaqay inay gaadheen rikoodh cusub oo ah 27 bilyan oo fariimood bishii Juun ee sannadkii 2013kii. Sida ay qortay jariiradda Financial Times, WhatsApp-ku wuxu diraa fariimo gaagaaban (SMS) oo dhanka moobiladda ah,waa adeegga uu Skype siiyo wicitaanka caalamiga ah.

Tix-raac:
1.     Jump up^ WhatsApp Inc. (n.d.). "WhatsApp for Android". WhatsApp.com. WhatsApp Inc. Retrieved 6 April 2016.
2.     Jump up^ WhatsApp Inc. (3 March 2016). "WhatsApp Messenger". BlackBerry World. BlackBerry. Retrieved 12 April 2016.
3.     Jump up^ WhatsApp Inc. (n.d.). "WhatsApp for Nokia S60". WhatsApp.com. WhatsApp Inc. Retrieved 12 April 2016.
4.     Jump up^ "WhatsApp Voice Calling". April 4, 2015.
5.     Jump up to:a b c d Statt, Nick (1 February 2016). "WhatsApp has grown to 1 billion users". The Verge. Vox Media. Retrieved 6 April 2016.
6.     Jump up to:a b c "Facebook to Acquire WhatsApp" (Press release). February 19, 2014..
7.     Jump up^ Lomas, Natasha (5 April 2016). "WhatsApp completes end-to-end encryption rollout".TechCrunch. AOL Inc. Retrieved 5 April 2016.

No comments:

Post a Comment