Isbarbar-dhigga
Somaliland iyo Koonfurta Soodaan.
W/Q:
Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)
Dalka Koonfurta Soodaan
oo ah waddanka adduunka ugu da’ yar waxa uu xornimadiisa ka qaatay Soodaan
inteeda kale sannadkii 2011kii.Waxa la dhawrayay toobiyaha uu qaadi doono
waddankan curdinka ah ee hodanka ku ah khayraadka saliida.
Laba mid ayaa laga
filayay inuu raaco; tubtii awalba Afrika ku lee’atay ee darxumadda, dadqalatada,
diifta, daranyada, dawarsiga, duudsiga, danta shakhsiga ah iyo xukun doonka.
Midda labaad waxay
ahayd inuu noqdo waddan hanaq
aada oo khayraadka ceegaagan si fiican uga faa’iidaysta, dimuqraadi ah oo xukunka si
nadab ah lagula kala wareego.
Saddex sanno ayaa ka
soo wareegtay markii ay bilaabantay khilaafkan lagu hoobtay ee ka socda
Koonfurta Soodaan oo caalamku ka baqayo inuu ka dhaco xasuuq kale oo la mid ah
kii Ruwaanda. Urur goboleedka IGAD, Midowba Afrika iyo qaramada midoobayba
dhamaantood si gaar gaar ah iyo si guud ba way iskugu dayeen in arrinka la xalliyo oo khilaafka lasoo afjaro,waxaa se
muuqata inaan welo fari ka qodnayn.
Waxaan mugdi lahayn oo
laga wada marag kacay inuu raacay ta hore ee dhibka, dhagarta, dhiigga, dhimashada
iyo dhunkaasha. Haddaba markii Soodaan oggolaatay inay Koonfurta xornimo siiso,
waxa meesha ka baxay dabarkii ku xidhnaa xeerka Midowga Afrika ee ahaa inaan
xuduuduhii guumaystuhu dhigay waxba laga bedelin.Waxa dhegta taagayay waddamo
badan oo aan la ictiraafsanayn, laakiin aqoonsi raadinaya sida Soomaalilaand.
Waddamadaasi waxay dhawrayeen Soodaanta koonfureed arrinkeeda.
Soomaalilad waxay
caalamka kula doodaysay inay buuxisay shuruudihii looga baahnaa inuu waddan
madaxbanaani helo; sida: calan, lacag, xuduudo sugan, astaan qaran iwm.
Waxay Afrika inteeda
kale kula doodayeen oo ay ku qancinayeen, haddii qodobka hore la tixgelin waayo
inay heshiis la gaadhi karaan waddamada ay dantu iskugu xidhan tahay ee aanay
suurtagal ahayn la’aantoood inay madaxabanaani helaan.
Haddaba
su’aaashaydu waxay tahay:
Somaliland dhaawac
intee leeg ayay ku keeni kartaa khilaafta Koonfurta Soodaan?
Maxaa laga baran karaa
waddan curdin ah sida Koonfurta Soodaan?
Rajadii Soomaaliland ma
god dheer ayay ku dhacday?
Maxaa tallaabo ah oo la
gudboon waddan curdin ah inuu qaado?
Midowga Afrika muxuu ka
baran karaa arrinta Koonfurta Soodaan?
Saamayn noocee ah ayay
ku yeelan kartaa khilaafka Koonfurta Soodaan gobolka iyo guud ahaan qaaradda
Afrika?
Dagaalkii qaboobaa weli
wuu jiraa mala odhan karaa maadaama Maraykanka iyo Shiinuhu ay la kala safan
yihiin mucaaradka iyo xukuumadda Koonfurta Soodaan?
Doorka Somaliland ee
khilaafkan iyo xallintiisu muxu noqon
karaa?
W/Q:
Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)
No comments:
Post a Comment