W/Q: Sacad Maxamed Xassan(Aareeye)
F.G: Maqaalkan waxaan qoray 10kii
Sebtambar, sannadkii 2012kii, maalin ka hor doorashaddii madaxweynaha ee
Soomaaliya.
ka dib burburkii dawladdi dhexe ee
Somaliya ,waddanka waxa ka dhacay burbur baahsan kaasi oo sababay inay u qaxan
kumanaan Somali ah waddamada dariska oo ay qaxoonti ku yihiin ilaaa hadda.
Dagaalkan oo ku sallaysnaa hayb
qabiil oo ay gadh-wadeen ka ahaayeen hoggaamiye kooxeedyo hubaysan oo kolba
dhinac isku baacsanayay, ayaa waxa la isku dayay
wakhtiyo badan in loo sameeyo
Somaliya dawlad soo celisa kala dambayntii ,xasiloonidii iyo haykalkii
dawladnnimo.
Beesha caalamka ayaa isku dayday
wakhtiyo badan in dib u heshiisiin loo sameeyo somalida kala irdhawday ee kala
aamin baxday una qabysantay jifooyin iyo xulufooyinka kala gaddisan oo midba
mid ka kale ku cadow yahay, duulaan joogta ahna ku hayo.
Dadaaladii Beesha Caalamka
Dabayaaaqadii sannadkii 1992 ayaa
xoghayihii qaramada midoobay Bourtos Ghali soo jeediyay in la balaadhiyo gargaarka bani’aadanimo ee Somaliya ay ka waday
Qaramada Midoobay oo lagu daro hubkadhigis, taasi oo sababtay in loo diro
ciidan soo celiya nabadda iyo kala dambaynta.
QM waxay ka fulisay Somaliya dhowr hawlgal, kaasi oo
aan noqon midho dhal ee laga sii dhaxlay uun kaliyo burbur baahsan. Hawlgaladaa
waxa ka mid ahaa United Nations
Operation in Somalia(UNOSOM
1) oo bilaabmay bishi Abriil, 1992kii,
waxa uu dhamaaday maarj, 1993kii, laakiin waxba kama tarin xaalkii cakirnaa.
Mar labaad waxay QM u dirtay hawlgalki Rajo-soo celinta oo bilaabmay diisambar, 1992kii, waxaanu dhamaaday bishii may,
1993kii, kaasi oo isna fashil ku gabagaboobay.
Shirar isdaba joog ah ayaa somalida
loo sameeyey kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen kii Sodere,Itoobiya, ee ay soo
agaasintay IGAD oo aan midhodhal noqon kadib markii ay qaadaceeen qaarka mid ah
hoggaamiye kooxeedyadii ugu tunka waynaa Somaliya.Waxa haddana la iskugu yimid
kii Sanca,Yemen oo isna fashilmay.
Waxa haddana shir kale lagu qabtay
Qaahira, Masar kaasi oo loogu magac daray Bayaankii Qaahira (Cairo Declaration)
kaasina ma sii waarin ee waa fashilmay.
Sannadkii 2000, ayaa madaxwaynaha
Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ku baaqay shir in la iskugu keeno kooxaha
Somaliya, si mar kale la iskugu dayo in maaro loo helo dhibka Somaliya, shirkan
waxa uu kaga duwana kuwii hore in lagu casuumay hoggaamiye kooxeedkii, aqoonyahankii,
wax garadkii , culimadi iyo ururadii arrimaha bulashada, taasi oo sababtay inay waddamo ay Itoobiya ka
mid tahay walaac ka muujiso qaar ka mid
ah shakhsiyaaadkii lagu casuumay oo u janjeedhay xagga ururadii diiniga ahaa
sida Islaax. Shirkan waxa lagu sameeyey dawlad ku meel gaadh ah taasi oo loogu
doortay madaxweyne Dr Cabdiqaasim Salaad Xassan isaga oo umagacaabay ra’iisalwasaare
Prof Cali Khaliif Galaydh oo soo dhisay dawlad markii hore si wayn loo soo
dhaweeyey, laakiin caqabado badan kadib, way shaqayn kari wayday, iyada oo
markii damba na fadhiid noqotay.
Doorashadii Kenya
Shir ayaa lagu qabtay waddanka
keyna magaalooyinka Eldoret iyo Nairobi, kaasi oo socday wakhti dheer, ayaa waxa lagu dhisay
dawlad ku-meel-gaadh ah, taasi oo Oktoobar
10, 2004 lagu doortay madaxweyne Cabdillahi Yusuf Axmed codad dhan 189, halka
uu helay Cabdilahi Axmed Caddow oo la tartamayay Cabdilahi Yusuf 79 cod. Doorashada ka hor waxa lagu dhaariyay
kitaabka qur’aaka ah dhamaan murashaxiintii
tartamayay oo ka koobnaa 25 musharrax, in ay taageeraan madaxweynaha la doorto
isla markaana ay hubka ka dhigayaan maleeshiyaadkooda, laakiin taasi marna ma
dhicin.
Dawladaasi oo kumagac dheerayd
Mbagati waxay timid markii hore qaybo ka mid ah waddanka oo ay ku shaqaynaysay,
laakiin waxa waddanka intiisii badnay ka qabsaday kooxo Islaami ah oo ku
xukumayay shareecada Islaamka deegaanada ay ka talinayeen ilaa ay sababtay inay
waddanka soo galaan ciidamo Itoobiyaan ah oo taageerayay ciidankii Soomaaliyeed,
kaasi oo uu dagaal qadhaadh ku dhexmaray dabayaaqadi sannadkii 2006dii,
aakhirkiina lagaga adkaaday kooxihii Islaamiga ahaa .
Kooxihii Midowga Maxakamadaha la baxay
ayaa waxay u yaaceen waddanka Eretrea oo fadhiiisin ka dhigteen, kadib wadahadalo
fashilmay dhowr jeer oo ay la galeen dawladdi wakhtigaa, waxay ku kala qaybsameen
kooxihii Maxkamaduhu wadahadalkii dawladda ee u socday, taasi oo sababtay inay
u kala jabaan laba kooxood.
Kooxdii u hoggaaminayay Sheekh
Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay dawladda la fureen wada hadal ka dhacay waddanka
Jabuuti, kaasi oo markii dambe lagu
heshiiyay in baarlamaanka la balaadhiyo oo lagu daro kooxdii Sheekh Shariif
watay.
Dawladihii ku-meel-gaadhka ahaa
waxa ragaadiyay isqabqabsi iyo wadashaqayn la’aan baahsan. Cabdilahi Yusuf iyo
Ra’iisalwasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa wadashaqayn kari waayay, taasi oo
sababtay inuu Cali Geeddi is casilo 29 Oct, 2007dii. Cabdilahi Yusuf waxa uu RW
u magacaabay Nuur Xassan Xuseen(Nuur Cadde) laakiin isagana waxay isqabsadeen
Cabdilahi Yusuf, kaasi oo sababay inuu Cabdilahi Yusuf iscasilo.
Doorashadii Jabuuti
Mar kale doorasho ka dhacday
waddanka Jabuuti horaanti sannadki 2009kii, ayaa waxa loogu doortay Sheekh
Sharif Sheekh Axmed madaxwaynaha dawladda ku-meel-gaadhka ah, isaga oo
magacaabay saddex raysalwasare wakhtigii uu xafiiska joogay. Sheekh Shariif
laftiisa waxay in badan is khilaafeen ra’iisalwasaarayaashii uu soo magacaabay.
Wakhti dheer oo dawlad ku-meel-gaadh
ah lagu jiray oo lagu soo dhisayay dhamaantood waddanka dibadiisa, ayaa waxa
suuro gashay in markii ugu horaysay taariikhda muddo 21sano ah in lagu doorto
dawlad waddanka gudihiisa, taasi oo lagaga baxayo wakhtiga ku-meel-gaadhka ah.
Waxa hadda la doortay afhayeenkii baarlamaanka iyo labadiisii ku-xigeen, waxaana
looga fadhiyaa baarlamaanka inay doortaan madaxwayne cusub maalinta isniinta ee
10 Sebtambar, 2012da doorashadaas oo ay
u sharaxanyihiin 25 musharax. Mid kasta waxa la siiyay fursad 20 daqiiqo ah oo
uu kusoo bandhigo waxa uu qabandoono iyo qorshihiisa haddi la doorto.
Guntii iyo gabagabadii maxaa laga
filayaa dawladda cusub? Maxay soo kordhin doontaa? Isqabqabsigii madaxda u
saraysa ee Somaliy Ma laga gudbi doonaa?
Waa su’aalo ay
iswaydiinayaaan beesha caalamka iyo dhamman soomaali meel ay joogaana.
F.G: Maqaalkan waxaan qoray 10kii
Sebtambar, sannadkii 2012kii, maalin ka hor doorashaddii madaxweynaha ee
Soomaaliya.
W/Q: Sacad Maxamed Xassan(Aareeye)
Email:aareeye2020@gmail.com
No comments:
Post a Comment