Wednesday, January 11, 2017

Ku-Meel-Gaadhkii Soomaaliya Oo Laga Gudbay:

W/Q: Sacad Maxamed Xassan(Aareeye)
F.G: Maqaalkan waxaan qoray 10kii Sebtambar, sannadkii 2012kii, maalin ka hor doorashaddii madaxweynaha ee Soomaaliya.
ka dib burburkii dawladdi dhexe ee Somaliya ,waddanka waxa ka dhacay burbur baahsan kaasi oo sababay inay u qaxan kumanaan Somali ah waddamada dariska oo ay qaxoonti ku yihiin ilaaa hadda.
Dagaalkan oo ku sallaysnaa hayb qabiil oo ay gadh-wadeen ka ahaayeen hoggaamiye kooxeedyo hubaysan oo kolba dhinac isku baacsanayay, ayaa waxa la isku dayay
wakhtiyo badan in loo sameeyo Somaliya dawlad soo celisa kala dambayntii ,xasiloonidii iyo haykalkii dawladnnimo.
Beesha caalamka ayaa isku dayday wakhtiyo badan in dib u heshiisiin loo sameeyo somalida kala irdhawday ee kala aamin baxday una qabysantay jifooyin iyo xulufooyinka kala gaddisan oo midba mid ka kale ku cadow yahay, duulaan joogta ahna ku hayo.
Dadaaladii Beesha Caalamka
Dabayaaaqadii sannadkii 1992 ayaa xoghayihii qaramada midoobay Bourtos Ghali soo jeediyay in la balaadhiyo gargaarka  bani’aadanimo ee Somaliya ay ka waday Qaramada Midoobay oo lagu daro hubkadhigis, taasi oo sababtay in loo diro ciidan soo celiya nabadda iyo kala dambaynta.
QM waxay  ka fulisay Somaliya dhowr hawlgal, kaasi oo aan noqon midho dhal ee laga sii dhaxlay uun kaliyo burbur baahsan. Hawlgaladaa waxa ka mid ahaa United Nations  Operation  in Somalia(UNOSOM 1)  oo bilaabmay bishi Abriil, 1992kii, waxa uu dhamaaday maarj, 1993kii, laakiin waxba kama tarin xaalkii cakirnaa.
Mar labaad waxay QM u dirtay  hawlgalki Rajo-soo celinta oo bilaabmay  diisambar, 1992kii, waxaanu dhamaaday bishii may, 1993kii, kaasi oo isna fashil ku gabagaboobay.
Shirar isdaba joog ah ayaa somalida loo sameeyey kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen kii Sodere,Itoobiya, ee ay soo agaasintay IGAD oo aan midhodhal noqon kadib markii ay qaadaceeen qaarka mid ah hoggaamiye kooxeedyadii ugu tunka waynaa Somaliya.Waxa haddana la iskugu yimid kii Sanca,Yemen oo isna fashilmay.
Waxa haddana shir kale lagu qabtay Qaahira, Masar kaasi oo loogu magac daray Bayaankii Qaahira (Cairo Declaration) kaasina ma sii waarin ee waa fashilmay.
Sannadkii 2000, ayaa madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ku baaqay shir in la iskugu keeno kooxaha Somaliya, si mar kale la iskugu dayo in maaro loo helo dhibka Somaliya, shirkan waxa uu kaga duwana kuwii hore in lagu casuumay hoggaamiye kooxeedkii, aqoonyahankii, wax garadkii , culimadi iyo ururadii arrimaha bulashada,  taasi oo sababtay inay waddamo ay Itoobiya ka mid tahay  walaac ka muujiso qaar ka mid ah shakhsiyaaadkii lagu casuumay oo u janjeedhay xagga ururadii diiniga ahaa sida Islaax. Shirkan waxa lagu sameeyey dawlad ku meel gaadh ah taasi oo loogu doortay madaxweyne Dr Cabdiqaasim Salaad Xassan isaga oo umagacaabay ra’iisalwasaare Prof Cali Khaliif Galaydh oo soo dhisay dawlad markii hore si wayn loo soo dhaweeyey, laakiin caqabado badan kadib, way shaqayn kari wayday, iyada oo markii damba na fadhiid noqotay.
Doorashadii Kenya
Shir ayaa lagu qabtay waddanka keyna magaalooyinka Eldoret iyo Nairobi, kaasi  oo socday wakhti dheer, ayaa waxa lagu dhisay dawlad ku-meel-gaadh ah, taasi oo  Oktoobar 10, 2004 lagu doortay madaxweyne Cabdillahi Yusuf Axmed codad dhan 189, halka uu helay Cabdilahi Axmed Caddow oo la tartamayay Cabdilahi Yusuf  79 cod. Doorashada ka hor waxa lagu dhaariyay kitaabka qur’aaka ah  dhamaan murashaxiintii tartamayay oo ka koobnaa 25 musharrax, in ay taageeraan madaxweynaha la doorto isla markaana ay hubka ka dhigayaan maleeshiyaadkooda, laakiin taasi marna ma dhicin.
Dawladaasi oo kumagac dheerayd Mbagati waxay timid markii hore qaybo ka mid ah waddanka oo ay ku shaqaynaysay, laakiin waxa waddanka intiisii badnay ka qabsaday kooxo Islaami ah oo ku xukumayay shareecada Islaamka deegaanada ay ka talinayeen ilaa ay sababtay inay waddanka soo galaan ciidamo Itoobiyaan  ah oo taageerayay ciidankii Soomaaliyeed, kaasi oo uu dagaal qadhaadh ku dhexmaray dabayaaqadi sannadkii 2006dii, aakhirkiina lagaga adkaaday kooxihii Islaamiga ahaa .
Kooxihii Midowga Maxakamadaha la baxay ayaa waxay u yaaceen waddanka Eretrea oo  fadhiiisin ka dhigteen, kadib wadahadalo fashilmay dhowr jeer oo ay la galeen dawladdi wakhtigaa, waxay ku kala qaybsameen kooxihii Maxkamaduhu wadahadalkii dawladda ee u socday, taasi oo sababtay inay u kala jabaan laba kooxood.
Kooxdii u hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay dawladda la fureen wada hadal ka dhacay waddanka Jabuuti,  kaasi oo markii dambe lagu heshiiyay in baarlamaanka la balaadhiyo oo lagu daro kooxdii Sheekh Shariif watay.
Dawladihii ku-meel-gaadhka ahaa waxa ragaadiyay isqabqabsi iyo wadashaqayn la’aan baahsan. Cabdilahi Yusuf iyo Ra’iisalwasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa wadashaqayn kari waayay, taasi oo sababtay inuu Cali Geeddi is casilo 29 Oct, 2007dii. Cabdilahi Yusuf waxa uu RW u magacaabay Nuur Xassan Xuseen(Nuur Cadde) laakiin isagana waxay isqabsadeen Cabdilahi Yusuf, kaasi oo sababay inuu Cabdilahi Yusuf iscasilo.
Doorashadii Jabuuti
Mar kale doorasho ka dhacday waddanka Jabuuti horaanti sannadki 2009kii, ayaa waxa loogu doortay Sheekh Sharif Sheekh Axmed madaxwaynaha dawladda ku-meel-gaadhka ah, isaga oo magacaabay saddex raysalwasare wakhtigii uu xafiiska joogay. Sheekh Shariif laftiisa waxay in badan is khilaafeen ra’iisalwasaarayaashii uu soo magacaabay.
Wakhti dheer oo dawlad ku-meel-gaadh ah lagu jiray oo lagu soo dhisayay dhamaantood waddanka dibadiisa, ayaa waxa suuro gashay in markii ugu horaysay taariikhda muddo 21sano ah in lagu doorto dawlad waddanka gudihiisa, taasi oo lagaga baxayo wakhtiga ku-meel-gaadhka ah. Waxa hadda la doortay afhayeenkii baarlamaanka iyo labadiisii ku-xigeen, waxaana looga fadhiyaa baarlamaanka inay doortaan madaxwayne cusub maalinta isniinta ee 10 Sebtambar, 2012da doorashadaas oo  ay u sharaxanyihiin 25 musharax. Mid kasta waxa la siiyay fursad 20 daqiiqo ah oo uu kusoo bandhigo waxa uu qabandoono iyo qorshihiisa haddi la doorto.
Guntii iyo gabagabadii maxaa laga filayaa dawladda cusub? Maxay soo kordhin doontaa? Isqabqabsigii madaxda u saraysa ee Somaliy Ma laga gudbi doonaa?
Waa su’aalo ay iswaydiinayaaan beesha caalamka iyo dhamman soomaali meel ay joogaana.
F.G: Maqaalkan waxaan qoray 10kii Sebtambar, sannadkii 2012kii, maalin ka hor doorashaddii madaxweynaha ee Soomaaliya.
W/Q: Sacad Maxamed Xassan(Aareeye)

Email:aareeye2020@gmail.com

No comments:

Post a Comment