W/Q: Sacad Maxamed
Xasan (Aareeye)
Axmed
Ismaaciil Samatar oo ah bare sare oo caanka ah geyiga Soomaalidu degto iyo guud
ahaan caalamka oo in dhawayd ba Somaliland ku sugnaa ayaa xalay (Habeen hore
5.1.2017) khudbad u jeediyay dadweynaha ku dhaqan caasimadda Somaliland ee
Hargeysa. Mawduucu wuxuu ku saabsanaa Hoggaaminta iyo Dawladda, waxaana soo
qaban-qaabisay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo marti gelisay Borofisoorka iyo
dadweynihii kasoo qaybt galay ba. Waxaan nasiib
u helay inaan ka mid noqdo
dadweynihii faraha badnaa ee kasoo xaaddiray goobtaa bilan. Samatar waxa uu si
cilmi ah u sharraxay siyaasadda, awoodda, bulshadda rayidka ah, dhaqaalaha,
maamulka iyo aqoonta.
Waxa
uu khudbadiisa ku bilaabay sida dhalinyartu ugu afduuban tahay odayaal
danaystayaal ah oo dhalinyarta uu diidaya inay u madaxbannaanadaan xisbiga iyo
siyaasadda ay aaminsan yihiin.
Waxa
uu carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay inay dhalinyartu ka xorowda
odayadda iyo siyaasiyiinta reer hebel u shirinay ee kala jiiddanaya, maadaamaa
oo ay dhalinyartu mustaqbalka iyagun leeyihiin, habboon tahay na inay ka
tashadaan aayahooda.
Waxa
uu isdul taagay awoodda isaga oo ku qeexay sidan “Power is the capacity or
potential to persuade or compel someone what he wants to do or not going to
do”. Waxa uu kala dhig-dhigay awooddu waxay tahay, halka ay qaranka kaga jirto,
sida muwaadinka ama loogu qanciyo ama loogu qasbo awoodda, siyaasad la rabo in
la hirgeliyo iyo dawladnimadda.
Borof
Samatar waxa uu ku nuux-nuuxsaday dawladdu waxay tahay, isaga oo ka
faa’iidaysana khibradda uu ka dhaxlay muddo 30 sanno ku siman oo uu maaddadan
bare sare ka ahaa.
Waxa
uu ka sheekeeyey waxyaabaha lagu garto dawlad ama lagu aqoonsado. Qodobadan soo
socda ayuu carrabka ku adkeeyey:
Ø -In
ay dawladdu tahay cidda kaliya ee hub haysan karta (Monopoly of power).
Ø -Dawlad
waa inay haysataa dhul xuduudaheedu sugan yihiin (Specific Territorial
Boundaries).
Ø -Bulsho
cayiman waa inay jirtaa (Fixed Population).
Ø -Waa
in dhaqaalaha iyo bulshaddu fiican yihiin oo shayanayaan (Economic and Social
Function).
Ø -Madaxbanaani
(Sovereignty).
Ø Iyo
tan u dambaysay oo ah inay dawladdaha kale ku aqoonsadaan oo calankaagu meel
kasta ka babanayo, dabcan dawladdaha kale na calankoodu waddankaaga ka taagan
yahay (Recognition by other states).
Inta
waxa uu uga gondda-degay hoggaamiyaha iyo hoggaaminta lafteeda. Si cilmiyaysan
oo qiimo badan ayuu u sharraxay. Dadweynihi kasoo qayb galay oo iskugu jiray
ardayda jaamicaddaha dhigata, kuwa hore uga aflaxay, qaar xisbiyadda ka tirsan,
dad dibadda wax kusoo bartay oo soo gurya noqday iyo macallimiinta jaamicaddaha
dalka aad iyo aad ayay uga mabsuudeen sida uu u dhig-dhigay Samatar mawduucan
oo ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee ay
bulshadda Soomaalidu carrabka ku hayaan, laakiin nasiibdarro aanay aqoon badan
u lahayn ama ay dano gaar ah uga faa’iidaystaan.
Axmed
Ismaaciil Samatar waxa uu soo qaatay tusaaleyaal cajiib ah oo si fudud loo
fahmi karo. Mawduucu kuma saabsanayn Maraykan iyo meel kale toona, ee waxa uu
daarnaa sidii Somaliland loogu dabaqi lahaa cilmigaa kasoo burqaday bare sare
Axmed Ismaaciil Samatar, isaga laftiisuna wuxuu mar kasta soo gelinayay
Somaliland khudbadda uu ka hadlayay.
Samatar
waxa uu is dul taagay Hoggaamiyaha, isaga oo dhawr qodob oo muhiim ah taabtay.
Waxaa ka mid ahaa in Hoggaamiyuhu uu noqdo 1) mid karti badan. 2) dastuurka ixtiraama. Isaga oo hoga-tusaaleeyey haddii hoggaamin
toosan la waayo, in afka looga galayo kelitaliye dad iyo dalba aafeeya.
Intaa
waxa Samatar u dheeraa inuu is barraxay oo uu ka sheekeeyey in isaga iyo
walaalkii Cabdi Ismaaciil Samatar ay ahaayeen aqoonyahanadii Soomaalida ahaa ee
ugu horeeyey ee caalamka u sharraxa dhaqanka, siyaasadda iyo waayaha bulshadda
af soomaaliga ku hadasha, iyada oo markii hore laga shidaal-qaadan jiray laba
nin oo midna Ingiriis ahaa oo wax kasta oo arrimaha Somaliland ah loo daba
fadhiisan jiray, kaasi oo lagu magacaabo I.M Lewis iyo nin Talyaani ah oo
qaybta koonfureed isna loo daba fadhiisan jiray. Waxa uu sheegay inay Walaalaha
Samatar ay doodaa fureen oo aakhirkiina la dhagaystay oo xataa I.M Lewis
laftiisii uu ka markhaati kacay aqoontooda cajiibka ah.
Intaa
waxa dheeraa, inuu ka sheekeeey caruurnimaddiisii iyo guulihii uu gaadhay intii
uu ku soo jiray hayaanka nolosha. Waxa ugu mudnaa siduu u dhiiranaa iyo sida uu
mar walba isaga oo xataa yar u odhan jiray miyaan waxan wax dhaamaa jirin.
Malahayga halkaa waxa laga garan karaa waxa ugu wacan inuu mar marka qaar xanaaqo
iyo inuu faano oo ay sababayso karidiisa, aqoontiisa iyo horumarka uu ka
gaadhay nolosha.
Aniga
(Qoraaga maqaalka) oo akhrinaya buug ku saabsan culuumta bulshadda (Social
Science), waxaan la kulmay aragti looga dambeeyo walaalaha Samatar (Theory),
waxaanan ka markhaati kacayaa intii aan akhrinayay buugaa, in caalamka laga
qaddariyo oo aqoon lagu majiirto Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cabdi laftiisaba.
Maqaalkan
kooban waa khudbaddii Axmed Ismaaciil Samatar jeediyay iyo wixii aan ka fahmay
oo aan jeclaystay inaad idinla wadaago.
W/Q: Sacad Maxamed
Xasan (Aareeye)
Email: aareeye2020@gmail.com
No comments:
Post a Comment