Friday, January 6, 2017

Khudbaddii Hoggaaminta iyo Dawladda ee Prof Axmed Ismaaciil Samatar: Garnaqsi, Goolaaftan iyo Guubaabo.



W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)
Axmed Ismaaciil Samatar oo ah bare sare oo caanka ah geyiga Soomaalidu degto iyo guud ahaan caalamka oo in dhawayd ba Somaliland ku sugnaa ayaa xalay (Habeen hore 5.1.2017) khudbad u jeediyay dadweynaha ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Mawduucu wuxuu ku saabsanaa Hoggaaminta iyo Dawladda, waxaana soo qaban-qaabisay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo marti gelisay Borofisoorka iyo dadweynihii kasoo qaybt galay ba. Waxaan nasiib
u helay inaan ka mid noqdo dadweynihii faraha badnaa ee kasoo xaaddiray goobtaa bilan. Samatar waxa uu si cilmi ah u sharraxay siyaasadda, awoodda, bulshadda rayidka ah, dhaqaalaha, maamulka iyo aqoonta.
Waxa uu khudbadiisa ku bilaabay sida dhalinyartu ugu afduuban tahay odayaal danaystayaal ah oo dhalinyarta uu diidaya inay u madaxbannaanadaan xisbiga iyo siyaasadda ay aaminsan yihiin.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in loo baahan yahay inay dhalinyartu ka xorowda odayadda iyo siyaasiyiinta reer hebel u shirinay ee kala jiiddanaya, maadaamaa oo ay dhalinyartu mustaqbalka iyagun leeyihiin, habboon tahay na inay ka tashadaan aayahooda.
Waxa uu isdul taagay awoodda isaga oo ku qeexay sidan “Power is the capacity or potential to persuade or compel someone what he wants to do or not going to do”. Waxa uu kala dhig-dhigay awooddu waxay tahay, halka ay qaranka kaga jirto, sida muwaadinka ama loogu qanciyo ama loogu qasbo awoodda, siyaasad la rabo in la hirgeliyo iyo dawladnimadda.
Borof Samatar waxa uu ku nuux-nuuxsaday dawladdu waxay tahay, isaga oo ka faa’iidaysana khibradda uu ka dhaxlay muddo 30 sanno ku siman oo uu maaddadan bare sare ka ahaa.
Waxa uu ka sheekeeyey waxyaabaha lagu garto dawlad ama lagu aqoonsado. Qodobadan soo socda ayuu carrabka ku adkeeyey:
Ø  -In ay dawladdu tahay cidda kaliya ee hub haysan karta (Monopoly of power).
Ø  -Dawlad waa inay haysataa dhul xuduudaheedu sugan yihiin (Specific Territorial Boundaries).
Ø  -Bulsho cayiman waa inay jirtaa (Fixed Population).
Ø  -Waa in dhaqaalaha iyo bulshaddu fiican yihiin oo shayanayaan (Economic and Social Function).
Ø  -Madaxbanaani (Sovereignty).
Ø  Iyo tan u dambaysay oo ah inay dawladdaha kale ku aqoonsadaan oo calankaagu meel kasta ka babanayo, dabcan dawladdaha kale na calankoodu waddankaaga ka taagan yahay (Recognition by other states).
Inta waxa uu uga gondda-degay hoggaamiyaha iyo hoggaaminta lafteeda. Si cilmiyaysan oo qiimo badan ayuu u sharraxay. Dadweynihi kasoo qayb galay oo iskugu jiray ardayda jaamicaddaha dhigata, kuwa hore uga aflaxay, qaar xisbiyadda ka tirsan, dad dibadda wax kusoo bartay oo soo gurya noqday iyo macallimiinta jaamicaddaha dalka aad iyo aad ayay uga mabsuudeen sida uu u dhig-dhigay Samatar mawduucan oo ka mid ah waxyaabaha  ugu badan ee ay bulshadda Soomaalidu carrabka ku hayaan, laakiin nasiibdarro aanay aqoon badan u lahayn ama ay dano gaar ah uga faa’iidaystaan.
Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu soo qaatay tusaaleyaal cajiib ah oo si fudud loo fahmi karo. Mawduucu kuma saabsanayn Maraykan iyo meel kale toona, ee waxa uu daarnaa sidii Somaliland loogu dabaqi lahaa cilmigaa kasoo burqaday bare sare Axmed Ismaaciil Samatar, isaga laftiisuna wuxuu mar kasta soo gelinayay Somaliland khudbadda uu ka hadlayay.
Samatar waxa uu is dul taagay Hoggaamiyaha, isaga oo dhawr qodob oo muhiim ah taabtay. Waxaa ka mid ahaa in Hoggaamiyuhu uu noqdo  1) mid karti badan. 2) dastuurka ixtiraama.  Isaga oo hoga-tusaaleeyey haddii hoggaamin toosan la waayo, in afka looga galayo kelitaliye dad iyo dalba aafeeya.
Intaa waxa Samatar u dheeraa inuu is barraxay oo uu ka sheekeeyey in isaga iyo walaalkii Cabdi Ismaaciil Samatar ay ahaayeen aqoonyahanadii Soomaalida ahaa ee ugu horeeyey ee caalamka u sharraxa dhaqanka, siyaasadda iyo waayaha bulshadda af soomaaliga ku hadasha, iyada oo markii hore laga shidaal-qaadan jiray laba nin oo midna Ingiriis ahaa oo wax kasta oo arrimaha Somaliland ah loo daba fadhiisan jiray, kaasi oo lagu magacaabo I.M Lewis iyo nin Talyaani ah oo qaybta koonfureed isna loo daba fadhiisan jiray. Waxa uu sheegay inay Walaalaha Samatar ay doodaa fureen oo aakhirkiina la dhagaystay oo xataa I.M Lewis laftiisii uu ka markhaati kacay aqoontooda cajiibka ah.
Intaa waxa dheeraa, inuu ka sheekeeey caruurnimaddiisii iyo guulihii uu gaadhay intii uu ku soo jiray hayaanka nolosha. Waxa ugu mudnaa siduu u dhiiranaa iyo sida uu mar walba isaga oo xataa yar u odhan jiray miyaan waxan wax dhaamaa jirin. Malahayga halkaa waxa laga garan karaa waxa ugu wacan inuu mar marka qaar xanaaqo iyo inuu faano oo ay sababayso karidiisa, aqoontiisa iyo horumarka uu ka gaadhay nolosha.
Aniga (Qoraaga maqaalka) oo akhrinaya buug ku saabsan culuumta bulshadda (Social Science), waxaan la kulmay aragti looga dambeeyo walaalaha Samatar (Theory), waxaanan ka markhaati kacayaa intii aan akhrinayay buugaa, in caalamka laga qaddariyo oo aqoon lagu majiirto Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cabdi laftiisaba.
Maqaalkan kooban waa khudbaddii Axmed Ismaaciil Samatar jeediyay iyo wixii aan ka fahmay oo aan jeclaystay inaad idinla wadaago.
W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)

No comments:

Post a Comment