Wednesday, January 4, 2017

Koboca AfSoomaaliga.



W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)
Email: aareeye2020@gmail.com
Qoraalka Farsoomaaliga ayaa aad kor ugu kacay muddooyinkii ugu dambeeyey, iyada oo loo aanaynayo qoraayadda ruug-caddaaga ah oo xan-xanteeyey akhristayaasha, kuna dhaliyay inay akhriteyaal badan wax qoraan oo ay isku bedelaan qoraayo. Waxa kale oo door wax
ku ool ah ka ciyaaray koboca qoraalka tiknoolajiyadda oo sahashay in si fudud wax la iskugu gudbin karo. Qoraa ku nool waddan kumanyaal mayl in jirta ayaa sheeko ama buug  la wadaagaya akhriste, isaga oo qoraalkaasi si fudud oo aan dhib lahayn usoo gaadhaya akhriteyaal fara badan.
Carwadda Buugaagta ee Hargeysa ayaa ka mid ah meelaha sida qiimaha leh kor ugu qaaday koboca Afsoomaaliga, waayo waxay meel iskugu keentaa sannad kasta khubaradda Afsoomaaliga, hadday soomaali yihiin iyo hadday ajaanib yihiin labadaba. Af aqoonkii, qoraagii, maansoyahankii, fannaaniintii iyo murtidhaadhigii ayay carwadda buugaagta Hargeysa u saamaxdaa da’yarta iyo inta xiisaysa afka iyo qoraalka inay toddobaad khudbado qiimo leh la wadaagaan.
 Qoraalku waxa uu kobciyaa afka, waxaanu udub-dhexaad u yahay jiritaanka afka, maxaa yeelay, afka aan qornayn wuu uga nugul yahay afka qoran inuu dabargo’ ama hoos u dhac ku yimaado.
Inkasta oo uu dhaawac weyn soo gaadhay afka soomaaliga muddadii burburka iyo dagaaladda sokeeye ee geyiga soomaalidu degto wada gaadhay, haddana gobolo ka mid ah kuwa soomaalidu degto ayaa dib boodhka uga jafay, mase gaadhsiisna halkii la rabay iyo wax u dhow toona.

W/Q: Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)

No comments:

Post a Comment