W/Q:
Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)
Email:
aareeye2020@gmail.com
Qoraalka
Farsoomaaliga ayaa aad kor ugu kacay muddooyinkii ugu dambeeyey, iyada oo loo
aanaynayo qoraayadda ruug-caddaaga ah oo xan-xanteeyey akhristayaasha, kuna
dhaliyay inay akhriteyaal badan wax qoraan oo ay isku bedelaan qoraayo. Waxa
kale oo door wax
ku ool ah ka ciyaaray koboca qoraalka tiknoolajiyadda oo
sahashay in si fudud wax la iskugu gudbin karo. Qoraa ku nool waddan kumanyaal
mayl in jirta ayaa sheeko ama buug la
wadaagaya akhriste, isaga oo qoraalkaasi si fudud oo aan dhib lahayn usoo
gaadhaya akhriteyaal fara badan.
Carwadda
Buugaagta ee Hargeysa ayaa ka mid ah meelaha sida qiimaha leh kor ugu qaaday
koboca Afsoomaaliga, waayo waxay meel iskugu keentaa sannad kasta khubaradda Afsoomaaliga,
hadday soomaali yihiin iyo hadday ajaanib yihiin labadaba. Af aqoonkii,
qoraagii, maansoyahankii, fannaaniintii iyo murtidhaadhigii ayay carwadda
buugaagta Hargeysa u saamaxdaa da’yarta iyo inta xiisaysa afka iyo qoraalka
inay toddobaad khudbado qiimo leh la wadaagaan.
Qoraalku waxa uu kobciyaa afka, waxaanu
udub-dhexaad u yahay jiritaanka afka, maxaa yeelay, afka aan qornayn wuu uga nugul
yahay afka qoran inuu dabargo’ ama hoos u dhac ku yimaado.
Inkasta
oo uu dhaawac weyn soo gaadhay afka soomaaliga muddadii burburka iyo dagaaladda
sokeeye ee geyiga soomaalidu degto wada gaadhay, haddana gobolo ka mid ah kuwa
soomaalidu degto ayaa dib boodhka uga jafay, mase gaadhsiisna halkii la rabay
iyo wax u dhow toona.
W/Q:
Sacad Maxamed Xasan (Aareeye)
Email:
aareeye2020@gmail.com.
No comments:
Post a Comment